Wiigii Hore waxa aynuΒ iftiiminay, Musuqmaasaqa iyo Sida uu u naafeeyo Bulshada, Hiigsanaysa horumar, iyada oo Musuqmaasuqu uu Saameeyo Dhinac wal oo aad eegtaba, Gaar-ahaan, Dhaqaalaha, Waxbarashada, Caafimaadka, Siyaasada, Degaanka, (Environmental and social effectsΒ Other areas: health, public safety, education, trade unions,Β andΒ Effects on Humanitarian AidΒ etc.)
Bal aynu maanta daaha ka rognoΒ Sida uu MusuqmaasaquΒ hoos uguΒ dhigoΒ Dumuqraadiyada iyo Dawlad (Maamul)Β Wanaaga (HowΒ it undermines democracy and good governance).
Dhaqaalaha. (Economic effects):Β Musuqmaasaqu Waxa Uu Kordhiyaa QiimahaΒ Β Baayacmushtarku ay wax ku iibiyaan, (corruption increases the cost of business through the price.)Β Marka Lacag badan oo Muqmaasaq lagu keenay ay ku Dhacdo Gacanta Dadkana Β waxaΒ yimaada Sixir Barar, kaas oo Cadow u ah dhaqaalaha dalka.
Musuqmaasaqu Waxa uu SaameeyaΒ Qayb wal oo Bulshada ka mid ah,isagaΒ oo Dhidibada u taaga Bulsho aan isu dheeli tirnayn, Qayb aad u faqiir, ah iyo qayb aad u Taajira, Waxaanu Musuqmaasaqu ka hor yimaadaa,Β Sinaantii loogu baahnaa in Loo tartamo Fursadaha wadanka yaala, taas oo Hormood u Noqota Faqiirnimo, Burbur iyo Dib u dhac.
Dhaqaala Xumada uu Keeno Musuqmaasaqu Waxa kale oo uu cadow u yahay Dumuqraadiyada, Taasi oo dadka Badankiisa ama dadka SaboolayΒ ku Keenta niyad-Jab, aad u weyn oo Xitaa aanay Foodin ( Democracy with Correption and NO Participation.)
Waxbarashada, education:Β Waxa uu Musuqmaasaqu Waxyeelo weyn u Geystaa Waxbarashada, macalimiinta ayaan lagu Hawlgelin ama loo shaqaalaysiin,Β Sida ay u kala tacliin, Waayo aragnimo iyo aqoon badan yihiin, ee lagu doortaa qabyaalad iyo Hiil.
Ardayda taajiriintu dhashay ayaa loogu abaal gudaa ashahaado aanay mutaysan, taas oo u horseeda inay galaan jaamacadaha wan wanaagsan,Β qalabka iyo buugaagta ayaa gacanta ugu dhaca inta Xooga ama lacagta badan leh.Β qodabadaas oo liciifiya aqoonta ardayda kuu soo baxaysa taas oo horseeda Bulsho tayo daran.
Degaanka: (Environmental and social effects)Β Β Musuqmaasaqu Waxa kale oo uuΒ Dumiyaa Degaanka aynu Ku nool nahay Sababtoo ah Sharciyada Loogu Talo gelay in Lagu ilaaliyo oo lagu difaaco degaanka ayaan meel marin, Waxa aad laaluush siinaysaa Kuwii ilaalinaayey degaanka (it cannot be enforced if officials can easily be bribedΒ ) Taas oo Laga dhaxlaayo Degaan Xaalufay, ama Sumoobey oo aan nolol wanaagsaniba ku Suurtoobi karain.
Samofalka: Effects on Humanitarian Aid:Β Β SamafalkaΒ iyo Caawinta Dawladaha shisheeye ay Ku CaawinayaanΒ ayuu isna Musuqmaasaqu Ku Yeeshaa saamayn aad u weyn Sababtoo ah Waxa loo duwaa waxyaabihii Lagugu Caawiyey oo dhan hadii ay tahay Dhaqaale ama qalabka waxbarashada, ama Cunto iyo daawooyin Gacmo qaldan oo aan xaq u lahayn waxaa lagugu caawiyey inay taabtaanba. (Food aid can be directly and physically diverted from its intended destination).
Β Hadii aan Hoos Ugu Yara Dhaadhaco Noocyada Musuqmaasaqa.
WaxaΒ aynu Wiigii Hore Daaha ka Rogney Noocyada Musuqmaasaqa inaga oo Ka Faalooney nooca loo yaqaan.Nepotism and cronyism, (Favoring family and relatives) oo ah marka aad Xigto, ama Qabyaalad ama Hiil aad ku Siiso Kursi qof ku Xiga, kaas oo aad kursiga aad ku ilaaliso ama kuΒ difaacdo, idinka oo qofkaasΒ wada shaqaysanaaya, isaguna uu kuu Urruriyo Dhaqaale ama Laaluush adiguna aad Kursiga ku ilaalinayso oo Difaacayso..
Maanta waxa aynu daahfuraynaa nooca Musuqmaasaqa ee Loo yaqaan.
Patronage: (favoring supporters.) Noocani waa qayb ka mid ah Β MusuqmaasaqaΒ sababtoo ah waxa aad qofkaa ugu eexatay oo aad shaqada ku siisay waxaanu nahay iskuΒ XusbiΒ (favoring supporters,) adiga oo aan u egaynin awooda ama KartidaΒ uu qofkaasi shaqada ku qabanaayo ee kursiga u baxinaaya abaal gud, (loyalty rather than ability).
Badanaaba waxa Nidaamkan isticimaala marka dawlad yar oo MusuqmaasaqaΒ la doorto ee ay xukunka Timaado Waxa ay bilowdaa inay Kuraasi ugu abaal gudo taageerayaasheeda.
Waxa kale oo ay dawladaasi ku dhaqaaqdaa si ay u badasho Shaqaalihii Hore ee lahaa waayo aragnimada iyada oo ku bedelaysa Shaqaale Cusub si ay Siyaasadaheeda u meel Marsato.( newly elected government changes the top officials in the administration in order to effectively implement its policy.)
Arrinta ayaa Cadow u ah Koritaanka iyo Horumarka wadanka, Sababtoo ah waxa aad ku bedeshay Shaqaale Waayo arag iyo Karti leh, Shaqaale aan wax waayo aragnimo iyo karti ah aan lahayn, taas oo yaraynaysa ama soo koobaysa Wax soosaarka Wadanka ( Productivity).
Labadaa Nooc ee aynu Sare ku Xusnay ayaa ah Misiqmaasaq iyo Sharci daro, Dawladaha wan wanaagsani ( maamulka Wanaagsani.) ay ka waantoobaan.
Unholy alliance:Β Kalmadan ayaa Macnaheedu Yahay Marka ay Wada Shaqayn yeeshaan Labada aan isku mabd,a ahayni ama ay wada shaqaystaan laba isnecebi ayaga oo ku Heshiiyey labaduba inayΒ Sharciga baal ka maraan.
Tusaale Β fiican Waxa u ah marka ay wadashaqayn Bilaaban Siyaasi, Wasiir, ama Gudoomiye Musuqmaasaq ah, iyo Nin Baayac mushtar ah, oo isna ka sii Muqsuqmaasaqsan (between corrupt businessman and corrupt politition.)
Halkaa waxa uu Ninka baayacmushtarka ahi Bilaabaa inuu Gudoomiyaha ama Wasiirka uu Siiyo hadiyado qaali ah, Jeegag uu Ka Sarifto aduunwaynaha IWM. Marka Wasiirkuna uu Ugu abaalgudo Contracts, dhul,Β Cashuuraha oo laga dhimo, aalaabada kootarabaanka ah oo loo soo Gudbiyo IWM.
ExtortionΒ : Noocan musuqmaasaq ayaan ku Micnayn karaa ( Baad) Waana marka aad Qofka wax kaga Doonto Hanjabaad, Hadidaad, Iyo Baqdin Gelin, ( toΒ intimidation and Harrass a Person, orΒ threatening or inflicting harm to a person.)
Isku soo wada Duub oo Noocyada Musuqmaasu aad ayay u badan yihiin, waxa aanay gabi ahaantood wadaagaan inay ka horyimaadaan horumarka ay bulsho Hiigsanayso.
Waxa aynu Wiiga danbe Bilaabi Doonaa Sida Musuqmaasaqa looga Hor tago iyo Sida ay dawladu u dhiiro geliso Musuqmaasaqa.
Cabdi Qadir Jamac Ismail dacar USA Ca