Tog-wajaale, 19 February, 2012 (SLpost)- Urur Samo-fal oo lagu magacaabo Tog-wajaale Foundation, ayaa ka deyriyey biyo laโaan baahsan oo ka jirta xarunta Ganacsiga Somaliland ee Tog-wajaale, waxaanu wasiirka macdanta iyo Biyaha ka codsadeen inay caddeeyo halka uu marayo mashruuca biyaha ee loogu talo-galay magaaladaas.
Warqad tix-raaceeduna yahay TWF1-18-02-2012 oo lagu socodsiinayo Wasiirka Macdanta iyo Biyaha, lana ogeysiinayo madaxweynaha Somaliland isla markaana uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha hayโadda Sama-falka ee Tog-wajaale Foundation, Eng. Maxamed Cali Muuse, ayaa u dhignayd Sidan:
โMarka hore waxaan Wasiirka Wasaarada Macdanta iyo Biyaha ee Somaliland,mudane, Eng. Xuseen Cabdi Ducaale, aan u soo gudbinayanaa salaan qadarinย & sharafba mudan,waxaanan kuugu hambalyeyneynaa dadaalka aad ugu jirto sidii aad wax uga qaban lahayd biyo la’aanta ka jirta degaano badan oo dalkeenna ka mid ah.
Magaalada Tog-wajaale,oo maalinba maalinta ka danbeysaa ay si xawliya u kordhayso shacabka ku nool iyo baayac mushrarkuba,kuna taalla xuduuda Somaliland iyo Dalka Ethiopiya,waxay baahi aad u ballaadhani ka haysataa dhinaca biyaha.Bishiiย December 6,2011 , waxaad mudane Wasiirย shir saxaafadeed ku shaacisay, in Midawga Yurub ay $31 Malyan oo Dollar ku bixinayso biyo balaadhinta afar magaallo oo ay ku jirto magaalada Ganacsiga Somaliland ee Tog-wajaale, unaย qoondeeysayย lacag dhan $2 Malyan oo Dollar .
Mudane Wasiir,waxay Hay’adda Samo-Falka ee Tog-wajaale Foundation, kaa codsanaysaa inaad war bixin naga siiso halka mashruuca biyaha eeย Tog-wajaale marayo & waqtiga aad u qorsheysay.
Hay’adda Samo-Falka ee Tog-Wajaale Foundation
Guddoomiye,Eng.Maxamed Cali Muse
TogwajaaleFoundation@Gmail.comโ