Yaa haraggeedii nagaga celiya?! – Qaybtii 3aad

0

(TaariikhahaΒ  5 Feb iyoΒ  23 Feb iyo shaqsiyaadka xilka ummaddaΒ  xilliganΒ  hayaba ,waxay ahaan doonaa qaarΒ  ay shacabka reer Somaliland xasuusan doonaan,wanaag iyo xumaan hadba kay ku xasuusan doonaanaΒ  ILLAHAYΒ  ayuun baa og)

Β Xusuus:-

Madax badan oo ka mid ah madaxdii ugu saraysay Dowladihii Soomaaliya soo maray intii u dhacaysay 1960 ilaa 1991,waxaa ka maqlay iyagoo leh β€œSomaliland waxaa 1960kii ka yimid dad yaacaya,jibaysan,oo Somaliweyn madaxmartay,oo aan wax talo ah ku wada socon,taas ayaana keentay in ay waxba ku yeelan waayaan awoodii Dowladihii jiray xiligaas”

Β β€œWaanu u sii tashanay haddiiΒ  aanu Soomaalidii Koonfurta nahay,oo waxaanu ku talo galay in aanu shuruudo ku xidhno,laakiin Woqooyi waxaa ka yimid dad iska yaacaya oo aanay waxba u diyaar ahayn”

Β Xusuuso:-

Md.C/raxman Axmed Ali(C/raxman Tuur) Madaxweynihii ugu horeeyey ee Somaliland (ILLAHAY naxariistii Jano ha siiyo,wuxuuΒ  yidhi:-

β€œShacabkaΒ  ayaa doortay gooni isu taaga Somaliland ,shacabka ayaa laga rabaa in ayΒ  ilaashadaan”.

Β β€œWaa laga yaabaa in aanu qaldano haddii aanuΒ  Siyaasiyiinta nahay,eeΒ  waa in Shacabku na ilaaliyaa,oo ay wadada saxa ah naguΒ  toosiyaan”

Β β€œReer Somaliland si yar ayaa jibo u qaadaa,waxaa fiicaan in aad iska ilaalisaan deg dega iyo jibada”.

Β β€œWaa in aynu iska ilaalinaa wixii ay 1960 kii ,inagu dhacay,waxaa fiican in aanay mar labaad inagu dhicin”

Xusuus:

Maxamed X.Ibrahim Cigaal-Madaxweynihii 2aad ee SomalilandΒ  ILLAHAY naxariistii Jano ha siiyo,wuxuu yidhi:-

Β β€œQof caashaqΒ  ayeynu naqaanaa” β€œWeli inta aynu meel fadhiisanay ma isweydiinayΒ  maxaaΒ  inoo dan ah?Β  β€œWay howl yar tahay sida la idiin karbaashaa”  β€œ dan la iima dooran ee ILLAHAY ayaa ii qoray”—–Erayadaa waxaaΒ  Khayrida Hargeysa ka yidhiΒ  ILLAHAYΒ  NAXARIISTI JANO HA SIIYEE MadaxweynihiiΒ  hore ee Somaliland Md.Maxamed X.Ibrahim Cigaal.

Β β€œKuwii dhintay idiinkama baahna in aad u aartaan,idiinkama baahna in aad u ooydaan,kuwa nool ayaa idiinka baahan in aad badbaadisaan”

Β β€œShalay jibo ayaa idin geysay Soomaaliya,maantana jibo ayaa idin keentay Somaliland,berina jibo ayaa idin geyn doontaa Soomaaliya”

Xusuus:-

Md:- Daahir Riyaalle Kaahin,Madaxweynihii hore ee Somaliland wuxuu yidhi:-

Β β€œDumuqaraatiyada Somaliland maanta ka jirta waxaa aasaaskeeda lahaa Madaxweynihii iga horeeyey, ALLE ha u naxariistee Md.Maxamed X.Ibrahim Cigaal,aniguΒ  waan hirgeliyey,waana taas aynu maanta midhaheedii guranayno”

Β β€œNabad aad keligaa haysataa waxba kuu tarimayso,waxaa ku dadaalay sidii aan wadamada deriskana ula heshiin lahaa,waxaan ka bilaabay Jaabuti,Itoobiya iyo Kenya β€œ

Β β€œWalaalkay Ahmed (Siilaanyo) wuxuu nasiib u yeeshay in uu la wareegoΒ  dal dhisan ,nbadad ah,wada jira,dadkiisii wada joogaan β€œ!!

Xasuus:-

Abwaan Ibrahim Gadhle ILLAHAYΒ  naxariistii Jano ha siiyo!

Waar! hoy! dadkaygoow

Laba daan dhexdoodiyo

Dalqo bahal qof galayoo

Β  Dirqi iyo tu fool adag

Β  Debedda ugu soo baxay

Β  Halkii shalayto lagu dilay

Β  Ma dareemi waayee

Β  Durba miyaa iloowdeen

Β  Duunyadiinii dhacantiyo

Β  In dadkiinii maqanyahay

Β 

Xusuus:-Abwaan Cali Sugule:-

Nina diric ahaantii

Daleel guusha kama helo

Dadkaa geesi lagu yahay.

Hadal iyo dhamaan ma layaga yaabaa in mar kale ay reer SomalilndΒ  galaan qaladkii 1960kii ay galeen ? ma laga yaabaa in reer Somaliland ay markale iska yaacaan iyagoonΒ  aan wax shuruud ah la gelin Soomaaliya ?,Β  suaalaha jawaabahoodaΒ  runtii aad iyo aad ayey u adag yihiin xilligan,balse waxaa muuqda saansaan u eg tii 1960kii,Β  xusuustaa faraha badan iyo halgankiiΒ Β  dheeraaΒ  shacabka reer Somaliland soo galeenna wuxuu u muuqdaaΒ  β€œhal bacaad lagu lisay”

ALLAAΒ  MAHAD LEH

Qalinkii Abdi M.Saleiman(Mingiste)

Political Analyst

abdi_saleiman@hotmail.com