Hargeysa,18 February 2012 (SLpost)- Urur-Siyaasadeedka Wadani ayaa maanta xafiiskiisa saddexaad ee dhalinyarada qalab Isboorti ku gudoonsiiyey kooxda kubadda Cagta ee Jabbaan. Munaasibada oo ay ka qaybgaleen Cabdiqani Sadiiq Maxamed oo ku hadlayay afka xafiiska ee dhalinyaradda ee ururka waddani iyo Xildhibaanka uga sharaxan golaha deegaanka xisbiga wadani ee gobolka maroodi-jeex Dayib Aadan X. Cali iyo Gudoomiyaha kumeel-gaadhka ah ee gobolka Maroodi-jeex Shiine Idirs iyo kooxda la gudoonsiinayay qalabkan iyo marti sharaf kale.
Ugu horeyn waxa madasha ka hadlay Cabdiqani Sadiiq Maxamed oo ku hadlayay afka xafiiskan dhalinyaradda, ayaa sheegay in uu ururkan hadaf ka leeyahay dhalinyarada iyo sidii isboortiga kor loogu qaadi lahaa isagoo arrimaha ka hadlay waxa uu yidhi βMadashan aynu maanta isugu nimi ee aynu ku gudoonsiinayno qalaabka isboorti kooxda Jabaan. Runtii urur Siyaasaddeedka Wadani iyo hadafka siyaasadeed ee uu ka leeyahay xagga dhallinyarada, runtii ururkani waa urur jecel inuu dardar-gaaliyo oo uu dhiiri galiyo dhallinyarada SomalilandβAyuu yidhi Cabdiqani Sadiiq Maxamed
Waxaanu inta ku daray hadalkiisii βWuxuu maanta dhalinyaradeena u suurta galiyey inay ka qaybgalaan Siyaasadda oo Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro) ahna Guddoomiyaha kumeel gaadhka ah ee Urur Siyaasadeedka Wadani, waxa oo mar walba soo dhaweenayaa inay dhalinyaradu ay ka qaybqaadato siyaasada dalka.Runtii Xafiiskani waa xafiiska dhammaan dhalinyarada u furan.β
Isna waxa madasha ka hadlay xildhibaanka uga sharaxan ururkan Wadani gobolka Maroodi-jeex Dayib Aadan X. Cali, ayaa dhalinyaradda gobolka marooji-jeex ka codsanay inay ururka wadani si fiican ula shaqeeyaan βWaxaan dhamaan u mahad celinayaa marti-sharaftan ka soo qaybgashay xafladdan, maanta waxa weeyaan dhallin yarada gobolka Maroodi-Jeex inay si wacan ay ula shaqeeyaan Ururka Wadani. Marka kooxdan Jabaan waxaan ku faraxsanahay inay tahay koox la shaqaynaysa urur Siyaasadeedka Wadani kuna xidhnaan doonta xafiiska dhallinyarada ee magaaladda Hargeysa.βAyuu ku soo koobay hadalkiisii Dayib Aadan X. Cali oo
Sidoo kale waxa isna halka ka hadlay gudoomiyaha kumeel-gaadhka ah ee gobolka maroodi-jeex Shiine Idiris, ayaa aad ugu mahadnaqay dhalinyaraddan xafiiskan oo ku yaboohay qalab kubadeed inay gaadhsiiyaan kooxda Jabaan βHorta waxaan aad ugu mahaadnaqayaa dhalinyarada xafiiska gobolka Hargeysa, ee iyagu kartidoodii tijaabiyey inay wax idinku caawiyaan. Markaa waxaan idinkana laydinka baahanyahay in aad dad kale wax sii dartaan oo aydaan odhan idinku kaligiin wax doonta,βAyuu yidhi gudoomiyaha kumeel-gaadhka ee gobolka Maroodi-jeex Shiine Idiris
Gebgebadii munaasibada waxa ka hadlay kabtanka kooxda Jabaan, ayaa aad ugu mahadnaqay urur siyaasadeedka Wadani βWaxaan halkan maanta mahad uga jeedinayaa Urur Siyaasadeedka Wadani, kaas oo maanta noo hirgaliyay inaanu qalab isboorti aanu halkan ka qaadano, waxaanu si gaara ugu mahad celinaynaa dhalinyarada xafiiska Gobolka Maroodi-Jeex oo noo suurta galiyay inaanu. helno qalabkan isboorti. Waxaanu ururkan wadani la garab taagan nahay tageero oo aynu is-garab taagno.βAyuu yidhi kabtanka kooxda Jabaan.
SOMALILANDPOST NEWS
webmaster@somalilandpost.net