Dawladda Somaliya Oo Maanta Ka Shiraysa Goโ€™aanka Ay Somaliland Ka Soo Saartay Arrimaha Socdaalka

0

Hargeysa(SLpst)-Golaha wasiirada ee dawladda Somaliya ayaa maanta ka shiraya goโ€™aanka ay dawladda Somaliland toddobaadkan ka soo saartay isu socodka Somaliland iyo Somaliya, kaas oo lagu sameeyay wax ka bedel balaadhan.

Ilo xogogaala ayaa Geeska Afrika u sheegay in shirka golaha wasiirada dawladda Somaliya la filayo in maanta lagaga hadlo goโ€™aanka ay dawladda Somaliland gaadhay, kaas oo ay aaminsanyihiin inuu yahay goโ€™aan siyaasadeed oo loola jeedo dawladooda Muqdisho, halka ay dawladda Somaliland sheegtay inay goโ€™aankaas ku salaysay danaheeda amni.

Lama garanayo in dawladda Somaliya ay si toos ah uga jawaabi doonto goโ€™aanka isu socod ee Somaliland soo saartay iyo inay si kale uga jawaabi doonto, laakiin goโ€™aanka Somaliland ayaa noqday mawduuc dhawrkii maalmood ee u dambeeyay si weyn looga hadal hayay magaalada Muqdisho.

XigashO Geeska Afrika