Guddida Ilaalinta iyo Dabagalka Hantida Qaranka ee Wakiillada Oo Suโ€™aalo Waydiiyey Wasiirka Macdanta

0

Hargeysa(SLpost)- Guddida ilaalinta hantida qaranka iyo dabagalka Musuqmaasuqa u qaabilsan golaha wakiillada Somaliland ayaa kulan xog-waraysi ah oo saacado qaatay maanta la yeeshay wasiirka macdanta iyo tamarta Somaliland Xuseen Cabdi Ducaale, oo ay weheliyaan madaxda kale ee wasaaraddiisu.

Kulanka oo ahaa mid albaabadu u xidhnaayeen ayaa markii uu dhammaaday waxaa saxaafadda uga warbixiyay wasiirka macdanta iyo guddoomiyaha guddida ilaalinta hantida qaranka, kuwaasi oo sheegay in suโ€™aalihii xubnaha guddidu qabeen laga gaadhay is faham kadib markii la lafo guray arrimo badan oo ku saabsan shaqada wasaaradda macdanta iyo tamarta.