Hargeysa(SLpost)-Wasiirkii hore ee maaliyadda Eng. Maxamed Xaashi Cilmi ayaa ka hadlay siyaabaha lagu yarayn karo sicir bararka waddanka ka taagan.
Eng. Xaashi oo waraysi siiyay Kalstan TV, wuxuu sheegay in sicir bararka lagu xalin karo iyadoo la dabar-gooyo musuqmaasuqa nooc kasta oo uu yahay Β islamarkaana la isu dheeli tiro waxa la isticmaalayo iyo waxyaabaha la soo iibsanayo,Β βWaxa lagu xalin karaa in dadka la simo, qaarkood waxaad odhanaysaa siyaado ayaaba loogu daroo bariga waxa la yidhi 2% halagu dhaqaaleeyo, haddba 2% mala siiyaa ayay suβaashu tahay oo dadkii loogu tallo galay ma gaadhaa, madaxdan mooyee dadkii maxaa loo qabtay. Taβ kale wixii aynu soo iibinaynay iyo wixii aynu iibsanaynay iyagana in la isu dheelitiraaΒ meesha ku jirtaa.β ayuu yidhi Maxamed Xaashi, waxaanu intaas raaciyay βSi kastaba ha ahaate, waxa weeyaan waxaan tabayaa oo meesha ka maqani waxa weeye waxa kala tagay ganacsigii oo waxa jira dad aan daba loo shidin iyo dad maal badan isticmaalaya, waxaanan u badanahay inta saboolka ah, saboolnimaduna mid Alle ina baday maaha ee waa mid xageena ka timid iyo siyaasad laβaanta dawladda.β
Isagoo ka hadlaya musuq-maasuqa wuxuu yidhi βMarka hore waxa weeyaan in musuqmaasuqa la dabar gooyaa, musuqmaasuqu lacagtuun maaha wakhtiguna wuu ku jiraa, kan buuga aan saxeexayn ee iska hoyanaya, kan aan imtixaan ku iman iyo kan lacagta qaadanayaa way ku jiraan.β
Wuxuu sheegay inay wanaagsantahay in la diyaariyo qorshihii siyaasadeed ee lagu jihayn lahaa dhallinyarada dalka u soo baxaysa, isagoo ku baaqay in imika lala xisaabtamo madaxda tartamaysa, βDadkaas soo baxaya ee dhalinyarada ah ayay tahay sidii loo jihayn lahaa in lagu fikiro oo nimanka soo socda ee madaxtinimada doonaya taariikhdoodiina la raaco, imikana wixii ay qabanayaan ay ku sii tallo galaan oo sharciyo faro badan oo distoorka qabyo ka ah ayaa ku jira.β
Ugu dambayn wuxuu sheegay in golaha guurtidu yihiin hoyga musuqmaasuqa dalka βGuurtidaa ugu musuqmaasuq badan, waxa weeyaan 82 xubnood, 8 ayaa ka hadhay, siddeedaas qaar ayaa iyaguna bukaan jiifa, guurtidii dadku dooratay xaagay qabatay ayaa la isweydiinayaa, shaqada keliya ee ay qabtaan waa muddo kordhinta.β
Somalilandpost.net
Hargeysa, Somaliland