Ceerigaabo(SLpost)- Xildhibaan Qamar Maxamed Saalax (Qamar Talleex) oo ka mid ah Golaha deegaanka ee degmadda Ceerigaabo ayaa qaylo dhaan ka muujisay sunย badda lagu daadiyayย oo ka soo caariday xeebtaย gobolka Sanaag.
Xildhibaan Qamar oo shalay warbaahinta kula hadashay magaaladda Cerigaabo ayaa xukuumadda u soo jeedisay inay wax ka qabato sun ay u sheegtay in ay ka soo caariday xeebta gobolka Sanaag,ย gaar ahaan meesha la yidhaahdo Xarsho, waxaanay tidhiย ย โMaanta (shalay) waxa aan u qabtay shir saxaafadeedkan waxa weeye dhibaato ka taagan, xeebta waqooyi ee gobolka Sanaag gaar ahaan meesha la yidhaahdo Xarsho oo waqooyi ka xigta qiyaastii 90kmย magaalada Ceerigaaboย waxa ka soo baxday halkaa haan weyn oo dahaadhan.ย waxaanuย u arragnay inay tahay waxyaabaha lagu aaso badaha mandaqadda waxaana keenay duufaantii dabaylaha wadatay ee ka dhacday xeebta.โ
โWaxa aan baaq u dirayaa cid kastaย oo ka damqanaysa dhibaatadaas halkaas ka taagan oo bulshadda waxyeelo ku haysa.ย xukuumadda Somaliland ha ahaatoย iyo ciddii kaleย eeย ย danaynaysabaย ha ahaato meeshaa aad ayaa loogu dhibaataysan yahay dad shicib ahย ayaa gaadh ka haya si aanay bulshadda reer miyiga ah wax u yeelin suntaasi,โayay tidhi Xildhibaan Qamar Talleex.
Waxa kale oo ay sheegtay inay kula xisaabtami doonaan dadkii suntan badda dhigay, waxaanay tidhiย โWaxaanu codsanaynaa markaa in la soo eego suntaas oo meesha laga qaado, waxaana ku adkaynayaa xukuumadda Somaliland inay dedaal badan gasho arrintaas waayo dadku waa dadkeedii oo iyadaa kaย masuula. Waanan kula xisaabtamaynaa dadkii suntaas meesha dhigay goor ay noqotaba.โ
Somalilandpost.net
Hargeysa, Somaliland