Wasiirka Gaashaandhiga oo ka Hadlay Cawaaqibka ka Dhallan Kara Ciidamada Cirka Soomaaliya oo Turkigu Dib u Dhisayo

0

Hargeysa(SLpost) – Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami, ayaa dawladda Turkiga ugu baaqayย  inaanay ciidan colaad cusub abuuraย  ka samaynin Soomaaliya oo uu tilmaamay in dhibkii hore ay ugu geysteen shacabka Somaliland uu wali qoyan yahay. Waxaanu xusay in aannay Soomaaliya gaadhin heer ay hawaysatoย  ciidammo cirka.

Wasiir Cadami, waxa uuย  sidaa ku sheegay,ย  Waraysi gaar ah oo uu xalayย  khadka telefoonkaย  ku siiyay wargeyska dawladda ee Dawan. Waxa kale oo uu waxbaย ย kama jiraan iyo hadal meel ka dhacย ah ku sifeeyay hadal ka soo yeedhay Cali Khaliif oo sheegay in beesha Badhan ay is bahaysanayaan kuna soo biirayso kooxdiisa nabad diidka ah ee Khaatumo.

Ugu Horrayn Wasiir Cadami oo aanu waydiinay saamaynta ay Somaliland ku yeelanayso tallaabada u Turkigu ku doonayo in uu Soomaaliya u dhiso ciidanka Cirka,waxaanu yidhiย  โ€œHorta dawladda Turkigu waa dawlad Islaam ah oo quwad leh oo maanta caalamka Islaamka rejo lehย  oo la wada tirsanayo. markaa loogama fadhiyo meel aanay waxba ka jirin in ay ka bilowdo ciidan cir iyo hawlo aan la gaadhin,ย  waxaanan leeyahay dawladda Turkiga Somaliland dhibkii hore ee ka soo gaadhay Ciidanka Cirka Soomaaliya mid kale ha ugu darina taasi mid aanu idiinka fadhinayna maaha ayaan leeyahay.โ€

โ€œWaxaย  looga baahan yahay Dawladda Turkiga oo maanta laga filayaa in ay gurmad iyo gur-gurshaa ay ku baxsadaan u noqoto dalalka Islaamka ah ee holcaya ee colaadaha iyo dagaaladu ka taagan yihiin laakiin in ay Somaliland iyo intaย ย la midka ah ee nabadda ah halkii laga weerari lahaa ay soo abaabusho lagama filayo,โ€ayuu ku dooday Wasiirka Gaashaan-dhiga Somaliland.

Wasiir Cadami oo ka jawaabayay sheegashada Cali Khaliif ee Beesha Badhan iyo Sanaagย ย Barri,ayaaย ย yidhi. โ€œHorta hadalkaย ย ย ninkaasi yidhi waa meel ka dhac iyo gef u beesha kula kacay cid meel ugu xidhan oo u metelo ama waxa uu sheeganayo kula socotaa ma jirto,ย  beesha Barriga Sanaagย  Madaxdhaqameed, Salaadiin, waxgarad iyo tallo qabeen ayay leedahay oo arrinkoodu ka goโ€™aa waxaana ILLAAHAY mahadii ah wax-garadkii beesha iyo aqoon yahankiiba dalka ayay joogaan oo waa Somaliland.ย  Cali Khaliif iyo shaqsi meel iska jooga oo wax gaar ah wata oo sheegan karaana ma jirto.โ€

Wasiir Cadamiย  oo ka jawaabayay suโ€™aal ahayd waxa uga soo qabsoomay socdaal wefti xukuumadda ka tirsan oo uu xubin ka ahaaย  ay kaga soo laabteen Ceerigaabo. โ€œCeerigaabo waxaanu tagnay iyadoo ay xaalad adagi ka taagan tahay oo aan la isu baxayn oo aan suuqa loo soo baxayn,waxaanan ka nimi iyadoo maalin iyo habeenba la soconayo oo ganacsigii soconayo oo dadkii is dhex galay,waxaanan ka shaqaynay sidii la isugu keeni lahaa beelaha wax kala tabanaya oo waxyaabaha ugu weyn ee dhex taallay ay ahayd mago raagay oo beeluhu kala doonayeen, arrintaana meel dhow ayaanu isugu keenay oo beelihii,ayaanu isu keenay waanan soo dhammaynay balamo iyo is afgarad ayaanan beelaha isugu keenay.โ€

Wasiirka oo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhiย ย  โ€œCidda leh quus ayay kaga yimaadeen waa cid meel kale warka ka qaadata oo waxyaabo kale ku hawlan laakiin,ย  sidii ugu wanaagsanayd ayay hawshaasi u soo dhammaatay. waxa kaliya ee ugu adkayd markaanu Ceerigaabo Tagnay waxay ahayd dadkii suuqa ku dhaawacmay iyo shaqsiyaadkii Buuraha galay taana arrinteedii waanu soo dhammaynay oo cid waliba dhalinyarradeedii way ka soo saartay Buurta waxaana ku hadhay dhawr qof oo iyagana tallo qaran iyo caqli wanaagsan ayaa lagaga soo saarayaa oo aan dalka iyo dadka midna dhib ku ahayn.โ€

Somalilandpost.net

Hargeysa, Somaliland