Muqdishu(SLpost)-Hoggaamiyaha ururka Alshabaab uga masuulka ah gobolada Shabeellada Hoose, Sheekh Maxamed Abu-Cabdalla oo hadlay ayaaย ururka Al shabaab ugu baaqay inay ilaaliyaan midnimada ururkooda, isagoo sheegay inay iska qaban doonaan cid kasta oo isku dayda inay kala furfurto ururka Al shabab.
Guddoomiyahan Shabeellada Hoose uga masuulka ah ururka Al shabaab Sheekh Abu-Cabdalla ayaa hadalkan ka sheegay goob lagaga hadlayay isku xidhnaanta Al shabaab iyo midnimadooda.
โCid kasta oo ku xad-gudubta midnimadeenna amma doonaysa inay Al-shabaab dhexdeeda buuq ka furan halย baan ka nahay, waynu iska celin doonaa. Arintaasna waa goโaan cad oo Al-shabaab ay gaadhayโayuu yidhi Sh.Abu-Cabdalla.
Guddoomiyahan ayaa sheegay in ururka AL Shabaab yahay mid isku duuban oo isku xidhan,taasi oo aan ogolaan doonin cid kala furfurta.
โMaanta ciddii lasoo is-taagta oo yidhaahda anigu meel kale ayaan ka tirsanahay, meeshaad ka tirsan tahay tag ,annigu calan kale ayaan wataa iyo wixii la mid ah ma aqbali doono. Jabhad kale ayaan ka tirsanahay ma aha mid halkan (Somaliya) ย ka shaqaynaysa.โayuu yidhi Abu-Cabdalla.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu sidoo kale sheegay in la iska hor-leexin doono ruux waliba oo ka horyimaada safka mujaahidiinta, isla markaana doonaya inuu kala jabiyo Xarakada Al-shabaab, wuxuu doono ha noqdee.
Dhawaan ayay xubno ka tirsan ururka Al shabaab sheegeen inay ku biirayaan ururka ISIS ee ka dagaalama dalalka Siiriya iyo Ciraaq,kadibna la sheegay inay qaar badan madaxda ururka Al shabaab laysay.