Hargaysa(SLpost)-Wasiirka wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Somaliland Marwo Shukri Xaaji Ismaaciil Baandarre ayaa ka hadashay waxyaabaha hortaagan digreetaddii madaxwaynaha Somaliland ka soo saaray isticmaalka bacaha,iyadoo sheegytay inaany wali si rasmi ah u joogsan .
ย โMadaxweynuhu waxa uu u soo saaray digreetadan in wax laga qabto isticmaalka bacaha oo lagu joojiyo, dadka ganacsatada ah waanu u yeedhnay, waxaanu farnay farriimo iyo digniino culus in qofkii bacda lagu qabto in sharciga lala tiigsanayo, muddana waa la siiyay in ganacsatadu keento wixii laguย bedalayay, dad badan ayaa ka jawaabay oo keenay wixii lagu bedalayay bacda oo ay dadkii isticmaalaan, Ganacsatadda muddo ayaa la siiyay markii la mamnuucay isticmaalka bacaha, balse bacoย kale ayay dalka soo galiyeen. Ganacsatadu waxa kale ooย ay ku doodeen in wakhti kale la siiyo, ilaa maantana waa taa la isticmaalayo,โayay tidhi Wasiirka deegaanku oo u warantay wargayska xukuumadda ee Dawan.
Marwo Shugri waxa ay tilmaantay in rugta ganacsigu ka gaabisay kaalintii ay ku lahayd joojinta isticmaalka bacda. โWaxaana markii hore nala riixayay in wakhti la siiyo ganacsatadda rugta ganacsiga, iyaga ayaa Berbera taagnaa, maantana waxa loo baahan yahay in rugta ganacsigu inay nala hawl-galaan oo kaalintoodii ka soo baxaan oo ganacsatada keenaya bacahaย qaladkooda ka qabtaan oo xooga saaraan ayaa loo baahan yahay.โ
โGanacsatadu waxa ay ka fikirayaan jeebkooda waxa galaya ee kama fikirayaan dhibaatada ay bacdu leedahay, way qaali garowday, sababtu waxa weeye qarsoodiga ay dalka ku soo galayso,โayay wasiirka deegaanku.
Marwo Shurgri waxa kale oo ay sheegtay in dawladaha hoose ka gaabiyeen ganaaxii ay saari lahaayeen dadka soo dejinaya bacaha
โDawladaha hoose waxa ay ka gaabiyeen ganaaxii ay saari lahaayeen dadkan bacda keenaya,ย weli bacdii ayaa soconaysa, dawladaha hoose qudhooduna,ย Hargeysa oo kale waxa laga yaabaa in askartu ku yar tahay, markaa waxa aanu ku heshiinay in askarta ciidanka qaranku kala shaqeeyaan arrintan oo booliska la kordhiyo oo la qaado olole is daba joog ah oo lagu joojinayo bacaha ooย ganaax badan la saaro, markaasaa dadku damqanayaan oo ganacsatadu keenaysaa wixii lagaga maarmayay bacda.โMarwo Shukri.
Waxaanay sheegay inaanay shacabku ka fikiray caafimaadkooda iyo noloshooda ,waxaanay uga digtay bulshada isticmaalka bacaha.
โWaxaanad moodaa in shacabku aanay ka fikirayn caafimaadkooda iyo noloshooda qofku marku wali bacdii wax ku ridayo ee deegaankii kharibaysa, waxaan aan leeyahay ninka bakhaarkiisa lagu qabto iyadoo baci taalo waxa aan taaganahay bakhaarka ha laga xidho oo bil ha xidhnaado, markaas ayuu arkayaa dhibka oo dhaqan gelinayaa amarka dawladda,โ ayay tidhi Wasiirka wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Somaliland Marwo Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare.
Wasiirka deegaanka Somaliland Marwo Shukri xaaji ismaaciil waxa ay soo jeedisay in la ganaaxo dadka suuqa la mara bacihii la mamnuucay.
ย โQofka suuqa la marayaย ee sita bacda waa in ganaax ay mutaystaan, in laga gaabiyona maaha, dekeda Berbera waa laga joojiyay in bacdu ka soo degto saddexdii koontiinar ee ugu dambeeyay ee ganacsatadda loo sii daayay kuwii ayaa kollay suuqa soo galay oo way dhammaan lahayde waaย in la baadho gawaadhidaย ka imanaya Puntland iyo kuwa ka imanaya dalalka kale ee aynu jaarka nahay oo kuwa Berbera ka soo galaya dib loo eego oo la baadho.โMarwo Shukri Xaaji Ismaaciil.
Madaxwaynaha Somaliland Axmed Siilanyo ayaa wareegto lagu mamnuucayo isticmaalka bacaha soo saaray,iyadoo wali suuqyada Hargays lagu isticmaalo bacaha.
Somalilandpost.net,
Hargeysa Office