In aan la yaabo maaha oo aniguba sidan si la mid ah ama u dhaw ayaan samayn jiray waxaanan ku samayn jiray qof iga weyn oo wax badan oo aniga macno ila leh isaga ayna u cunta maynin hadana dulqaadkiisu uu isku caqli naga dhigay Β Β waxaan xusuustaa aniga oo la socda in aan ku idhi kaalay ciidan ila ciyaa ama ila walaaqo Β Β waxaan xusuustaa aniga oo la socda inΒ aan ku idhi hebel ama heblaayo ila dil ama ila shiid/tuuryee waxaan xusuustaa in aan saxiibo uga dhigay dad uu Β garaad iyo daβahΒ ahaabna ka weyn yahay balseΒ saxiibkaa saxiibadii raali-geli uun uu u sameeyey .
Waxaan xusuustaa in aanΒ alaab lumiyey qof kale aan dakhray halkii aniga la iga qabsan lahaa in isagii dambi lagu oogay aniguna laga yaabaa in aanay macno ii kala lahayn in aan kala taageero labada dhinac kaliya garashada aan aqoonta badan isaga u leeyahay uunΒ marka la garamaayo aan dhiniciisa u fadhiisto .
Waxaasi oo gabooda faallo iyo xad-gudub aadmi ahΒ aanaa sameeyeyΒ nasiib wanaagse waxa ii kaydisayΒ cajalad nooca dib isku soo celiso ah oo ku jirta shandad/boorso qaad weyn /mugweyn balse fudud oo aan hadh iyo habeen sidan karo dhawr jeer ayaan raadyaw dib ugu dhagaystay cajaladaΒ mar-marna muuqaal baabay ii noqotaa oo aan ugu daawadaa, balse waxaan moodi jiray in kaligay ay cajaladani ii duuban tahay amaba ay ii shaqayso oo cid kale oo hore u isticmaashay ayna jirin galab aniga oo Berbera jooga oo heer kulku aad u badanΒ yahayΒ waxaan meel aan shaqo ka waday ku booqday qaxoonti Somali ah oo dalka Yeman ka yimi way daalan yihiin , cunto iyo biyo ayey u ciil qabaan ooΒ markay kula hadlaan idaacad ayaad moodaysaa amaba qof kaa fog in uu kula hadlaayo , hooyo ka mid ahayd Β dadkii goobta aan kula kulmayΒ waxa la socda Β nin aan la iiga garan kaliya waxa u igaga duwan yahay waa daβda oo aniga ayaa ka dheer, kana xoog weynΒ balse sida uu u dhaqmaayo markii aan arkay waxaanΒ la soo baxay raadyawgii cajaladii ayaan ku riday waan daawaday waaba aniga laftigaygii.
Waxa uu ku celcelinayaa ninkanΒ ii eegiΒ β maxaan cunaa , waa maxay gaajaduΒ β qorshaha ugu ma jirto in qaxoonti la yahay ma aqoonsana in dalkii uu joogay meelΒ aan ahayn uu tagay. Aniga oo la yaabanΒ ayaan hadana arkay in muuqaalkan la mid ah kii Β aniga hore la iiga duubay .isaga oo qaylinaaya cid u jawaabta cabsi laga qabo awgiina ayna jirin ayaa iigu dambaysay garan maayo in uu wali qaylinayo xataa.
Ka soo tag maalin aan waqtigan ka fogaynΒ waxaan fadhiyey goob rakaab diyaarad sugaayey ay fadhiyeen amarka ilaahay nin saddexaad oo ii eegΒ ayaa agtayda lagu hayaa saddex saacadood oo aan fadhinay isagu wuu hurday marna wax uu cabaayey/sharaab Β Β waxa uu khuuriyaba waqti tagitaankagu dhawyahay ayuu toosay inta uuΒ yidhi β meeshan maxaa na dhigay ayuu dhinac u yara kacay aabihii oo uu dhabtiisa ku jiifay meel ku xigta ayuuba ninkii ii eekaaΒ uu kaadi la istaagay waabu taleejiyey /kaajay nin kale ooΒ khamiis xidhanΒ kaadidii ayaa gaadhay isagiina si cadho leh ayuu ninkan ii eeg aabihii u feedhay oo ku yidhi βwaar maxaad ilmaha noogu soo daysayΒ iyada oo la kala hayo diyaaradiina timi dadkiina kece Β ninkii ii eekaa isagu waxa uu dhex raacay dadkii kacay waxaanu aabihii ku leeyahay β Aabo ina mari dadkii waa tageene β ma oga in dab uu shidayΒ aabihii lugaha kala jiro.
Saddexyadan isku eegba ma nihin habaar-qabayaal balse waxa nahaysanΒ dhallaanimo.
W/Q-Cumar Seerbiya
omerserbia1@hotmail.com