Hargeysa(SLpost) – Guddida joogtada ah ee aqalka guurtida ayaa xarunta golaha guurtida xog waran kula yeeshay guddida doorashooyinka qaranka Somaliland. Kulankaasi ayaa lagaga wada hadlay habsami u socodka hawlaha diwaangalinta iyo doorashooyinka ku mudaysan horraanta sanadka laba kun iyo todoba iyo tobanka.
Ilaa shan xubnood oo ka mid ah guddida doorashada oo ay hogaaminayaan guddoomiyaha guddida Cabdiqaadir Iimaan Warsame iyo afhayeenka Siciid Cali Muuse, ayaa guddida guurtida uga waramay hawlaha diwaangalinta ay sheegeen in wacyi galintoodii hadda socoto lana filayo inay diwaangalintu bilaamato ย wakhti dhaw oo aanay cayimin.
Guddoomiyaha guddida Eng Cabdiqaadir, ayaa ugu horayn guddida ugu bushaareeyay in qalabka diwaangalintu yahay mid damaanad qaadaya inaanu qofna laba jeer ama ka badan is diwaangalin karrin โMaanta waxaanu idinku wargalinaynaa inaad geed kasta iyo guri kasta gaadhsiisaan inaanay dhacayn diwaangalin laba goor la galo. Sababta aannay u dhacayni waxa weeye qalabka oo mid buโda isha ayuu sawirayaa iyo wajiga oo labadaas arrimood ayaa is barbar yaala. Buโda isha markuu sawiro, ka soo qaad milyan iyo laba boqol oo qof inaynu ugu talo galay diwaangalinta, waa laba milyan iyo afar boqol oo indhood, markaa qalabkani muddo aan ka badnayn shan ilbidhiqsi ayuu ku eegayaa intaas oo indhood oo haddii ishaadu la mid noqoto uu sheegayaa halkii uu qofkaasi iska diwaangaliyay,โ ayuu yidhi guddoomiyaha Komishanku.
Afhayeenka guddida Siciid Cali Muuse oo isna xog waranka qayb ka ahaa ayaa sheegay in hore ay u xumaadeen diwaangalinno dalka laga qabtay balse hadda ay doonayaan in diwaangalin dhaxal gal ah ay sameeyaan โWaxaanu doonaynaa dalka inaanu ka samayno diwaangalin dhab ah oo qofka daโda Lix iyo toban jirka taagan u suuro galinaysa inuu is diwaangalin karo, oo qofka wiil iyo gabadhba maalinta doorashada haddii daโdiisu gaadho lix iyo toban u suuro galinaysa inay maalintaas codkooda bixin karaan, taasina waa mid qalabka casriga ahi suurto galinayso oo uu odhanayo qofkaasi waa mid maalinta doorashada ama maalmo ka hor lix iyo toban jirsaday
Mudane ka tirsan guddida ayaa waydiiyay komishanka siday suuro gal u tahay in diwaangalinta iyo doorashadu wada gaadho gobolada Dalka maadaa guddi komishanka ka tirsan dhawaan laga afduubtay Hadaaftimo oo Sanaag ka tirsan, waxayna ku doodeen inaanay taasi waxba u dhimayn qorshahoda โAnagu waxaanu doonaynaa oo naga goโan oo komishan ahaan naga goโan in aanu guud ahaan xuduudaha Somaliland diwaangalinta iyo doorashada gaadhsiinno,โ ayuu yidhi Afhayeenka guddida doorashada Siciid Cali Muuse.