Anigoo ah Abwaan Caaqil Bulbul Cabdi Madoobe waxaan halkan tacsi uga dirayaa Ehelkii, qaraabadii, Asxaabtii, bahda Saxaafadda, Shacabka Somaliland iyo Guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed, anigoo ka tacsiyadaynayaa Geerida Ku timi Alle ha u naxariistee Marxuum Axmed Xasan Cawke oo maanta ku geeriyooday magaalada Jigjiga, maantana lagu aasay Togwajaale.
