Guddoomiye Cirro oo Shacabweynaha Somaliland Gaar ahaan Bahda Saxaafadda Ka Tacsiyadeeyay Geerida Marxuum Wariye Cawke

0

 

Hargeysa(SLpost)-Guddoomiyaha aqalka golaha Wakiilada Somaliland ahna hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah eeย WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi(Cirro), ayaa isaga oo ku hadlaayaย magaciisa,Ka golaha wakiilada, ย hoggaanka xisbiga WADDANI, guddida fulinta, golaha dhexe, garabadda haweenkaย iyo dhallinyarada iyo dhammaanba afka taageerayaasha xisbiga WADDANI,ย  waxaaย uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhammaanba ย guud ahaan shacbi weynaha Somaliland,Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo gaar ahaan Bahda Saxaafada, isaga oo ka tacsiyadaynaaya geerida naxdinta lahayd ee ku timidย Marxuum Weriye Axmed Xasan Cawkeย oo ku geeriyooday dalka Ethiopia gaar ahaan Magaalada Jig-jiga 17/11/2015.

 

 

Guddoomiyuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey tiir ka baxay guud ahaan inta ku hadasha Afka Soomaaliga, iyo Qaranka Somalilandba, sidoo kale waxa uu ahaa wariye ruug caadaya oo taariikh ma guurto ah kaga tegay dunida, tusaale iyo ku dayasho wacana u ahaa dhamaan Bahda Saxaafada meel ay joogaanba.

 

 

Guddoomiyuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii jannatu fardawsa ka waraabiyo,Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Bahda Saxaafada,shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

 

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN