Burco(SLpost)-Wasiirka wasaaradda hawlaha guud, guryeynta iyo gaadiidka mudane Cali Maxamed Xasan โCali Mareexaanโ ayaa hawlo shaqo ku jooga magaalada Burco. Ujeedada safarkiisa ayaa daaranaa u kuurgalidda iyo kormeerida biriishyada magaalada Burco oo ay hore qaylodhaan uga direen maamulka gobolka Togdheer, Ka degmada iyo odayaasha gobolka Togdheer. Maadaama oo ay wasaaraddiisu maamusho Hayโadda Horumarinta Waddooyinka oo ka masuul ah waddooyinka Somaliland.
Maamulka gobolka iyo degmada iyo dadweyne tiro badan ayaa wasiirka kaga hortagay degmada Qoyta una soo galbiyey xaga magaalada Burco oo soo dhawayn fiican loogu sameeyay.
Wasiirka oo intaa ka bacdi kormeer ku tagay biriishyada magaalada Burco. Guddoomiyaha gobolka, Maayarka degmada iyo Oday Maxamed oo ka mid ah gudida horumarinta gobolka ayaa wasiirka uga waramay xaaladda biriishyada, waxa ay ka qabteen iyo gurmadka ay xukuumadda ka sugayaan.
Ugu horaynta guddoomiyaha gobolka Togdheer oo halkaa ka hadlay ayaa waxa uu yihdi โGurmad aad noogu timid ee qaaliga ah, markii ay hal habeen uun ka soo wareegtay hadalkayagii ee aad soo ajiibtay, oo ah wax laga bartay xukuumaddan oo ah in ay u degdegto meel kasta oo ay ka jirto qaylodhaan. Adigana aad baannu kaaga mahadnaqaynaa gurmadkaagaaโ
Duqa Degmada Burco ayaa waxa uu wasiirka uga mahadnaqay soo ajiibidda baaqii bulshada, sidoo kalena waxa uu bulshada reer Burco ugu baaqay in ay ka qaybqaataan hawl kasta oo loo qabanayo โAad baannu uga mahadnaqaynaa wasiirka in uu soo ajiibo qaylodhaantii reer Burco biriishkaa ka bixiyeen, marlabaadka haddii aynnu nahay reer Burco waxa loo baahan yahay in aynnu ka qaybqaadanno afcaasha oo wax ku darsannoโ
Wasiirka ayaa waxa uu ka warbixiyey ujeedada safarkiisa ayaa waxa uu yidhi โBaaq ah qaylodhaan laga keennay laba biriish ee Burco gaar ahaan kii hore ee Jayniiska oo horeba looga cabanayey markii aannu maqalnay, ee sidoo kalena aannu aragnay warbixintii wasaaraadda iyo hayโadda horumarinta wadooyinku ka hayeen waxa aannu si degdeg ah ugu soo baxnay in aannu hawshaa eegno indhahayagana ku soo aragnay, wixii aannu ka qaban karnana ka qabannoโ
Wasiirku waxa uu sidoo kale kormeer ku soo maray xafiisyada wasaaradda hawlaha guud, guryeynta iyo Gaadiidka iyo waliba Hayโadda Horumarinta Wadooyinka Somaliland ay ku leeyihiin Burco.
Somalilandpost.net, Burco Office.