Hargeysa(SLpost)-Prof Axmed Ismaaciil Samatar ayaa ka hadlayย tartankii xisbiga kulmiye,isagoo sheegay inuuย warwar wayn ka hayo ka hadal laโaanta arrimaha waawayn ee Somaliland, waxaanu sheegay in Somaliland qabyaaladdu xoog waynaatay.
โHaddii ay doorasho dhacdo, iyadoo aannay dagaal iyo cadho dhicin, waa wax khayr ah, dimuqraadiyadda iyo dagaalku way kala fogyihiin, in inta afka laga doodo hadan cod lagu kala baxo, laakin waxa ka hooseeya dheecaan badan kuwaasi oo sababi kara naafoโ ayuu yidhi Prof Samatar.
Waxaanu sheegay in madaxwaynaha looga baahan yahay inuu bulshada isku hayo oo uu wadda hoggaamiyo.
โMadaxwaynuhu waa inuu garto inuu umadda oo dhan madax u yahay oo aanu xisbi ku koobnayn,markaa xisbiga iyo maamulkisa lagu xidho labada suโaalood ee waddan kasta horyaala,oo ah waddanka maxaa u dan ah? Halkee taagan yahay waddanku? Yaa halkan ka dhaaqaajin kara, Danta xisbiga danta qaranka ayaa ka wayn,haddii xisbigii kulmiye ka baxaan dad magaca ku leh oo maroodiyaashiisii ah warwar wayn ayay keenaysaa oo xisbigii hoosta ka dhaawacan yahay, xisbiguba inuu burburo way suurto gali kartaaโProf Axmed Samatar.
Prof Axmed ismaaciil Samatar waxa uu sheegay in siyaasadii Somaliland isku rogtay mid qabyaaladeed,taasi oo dadkii kala fogaysay.
โSaddex sanadood baan somaliland ku noqnoqonayay; midda warwarka wayni iga hayaa waxa ay tahay inaanan arag saddexdaa sanadood cid ka hadlaysa ama ka doodaysa arimaha waawayn ee somaliland Maanta ku gudban; oo ay ugu horayso wadankii oo aad iyo aad, aad moodo in ay gudihiisa ku jirto Qabyaalad fool xun oo dadkii sii kala fogaynaysa oo siyaasidiiba muftaaxeedii ay noqotay qabyaalad uun laga sheekaysanayo; reer hebel baa halkan maray, reer hebel baa kan ah, reer hebel baan kan doonaya iyo reer hebel baa halkan ku shirayโ ayuu yidhi Prof Axmed Ismaaciil Samatar oo BBC-da la hadlay
Shirwaynihii xisbiga Kulmiye ayaa maanta lagu doortay murrashaxa madaxwayne iyo ku xigeen ee doorasahda 2017-ka oo ay u tartami doonaan Muuse Biixi Cabdi iyo Cabdiraxmaan Saylici.