Hargeysa(SLpost)-Wasiirka wasaaradda maaliyadda JSL Marwo Samsam Cabd Aadan ayaa taliyaha ciidanka qaranka JSL waxa ay ku wareejisay raashin, bustayaal iyo bacaha roobka oo loogu talagalay 400 00 qoys oo ka mid ah qoysaska xeebaha dabayluhu ku waxyeeleeyeen. Maadaama oo ay ciidamada qaranku warbixinta ka soo diraan islamarkaana iyagu ay awoodย u leeyihiin in ay gaadhsiiyaan qoysaskaa xeebaha ku nool ayey Marwo Samsamย fasishay wareejintan raashinka.
Wasiir Samsam oo halkaa ka hadashay ayaa waxa hadaladeedii ka mid ahaa โWaxaanu maanta halkan u joognaa in aannu ciidamada qaranka oo ku hawlan in ay badbaadiyaan dadka xeebaha, horana warbixinta u soo gudbiyey imika istaanbay u ah in ay badbaadiyaan dadka ay meelaha ku ururiyaan oo naftooda iyo caruurtoodaba u gurmadaan ayaannu halkan waxa aanu ku wareejinaynaa Jananka ciidamada qaranka raashinkii dadkaa la siin lahaa oo aannu talagalnay 400 qoys, oo iskugu jira qoys walba raashin, baco, bustayaal iyo cawโ
Taliyaha ciidamada qaranka JSL Sareeye Gaas Ismaaciil Shaqale ooย isagu halkaa ka hadlay ayaa balanqaaday in ay gaadhsiinayaan dadka loogu dhiibay mucaawinadan, Waxaana uu u mahadnaqay xukuumadda Somaliland โSidaa wasiir Samsam sheegtay ciidamada Qaranka JSL qaybtooda ka shaqaysa qaybaha waqooyi ayaa soo sheegay dhibaatadaas oo soo tabiyey, waxaannu wasiirka ka ballanqaadaynaa in aanu qoysaskaa tabaalaysan raashinka aad noogu dhiibteenโ ayuu yidhi Sareeye-gaas Shaqalle.