Nin hubaysan, ayaaΒ Β sadex nin ku dilay tuullada Ina Higle ee degmada Sabawanaag ee Gobolka Maroodijeex.
ALLE ha u naxariistee waxaa geeriyooday Sadexda Marxuum ee kala ah Ismaaciil Yuusuf Sugulle, Dhashiike Cali Cawaale iyo Cawke ka dib markii uu nin hubaysani rasaas ku furay habeen hore muqaaxi lagu cawaynayay tuullada Ina HigleΒ Β oo ka tirsan degmada Sabawanaag ee gobolka Maroodijeex. Gacan ku dhiiglaha dilka geystay oo lagu magacaaboΒ Β Food Xirsi Jibaax,ayaan la qaban illaa imikana kamay hadal laamaha ammaanka xukuumadda Somaliland.
Ciidanka Booliska oo aannu isku daynay in aannu wax ka waydiino sababta dilka dhimashada saddexda Marxuum sababay iyo gacan ku dhiiglihii halka uu ku dambeeyay ayay noo suurogeli wayday ka dib markii taliyaha guud ee Ciidanka Booliska Sarreeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan,Β naga qaban waayay Telefoonkiisa Β gacanta, halka uu ka cudur daartay Β in uu faah-faahin ka bixiyo dhacdadaas hoggaanka hawl-gelinta Booliska Maxamed Ducaalle oo ku gaabsaday in Taliyaha wax laga weydiiyo.
Illaa imika wararka naga soo gaadhaya deegaanku dilku ka dhacay ayaa sheegaya in aan la hayn gacan ku dhiiglihii dilkaa geystay oo la sheegay in uu islaΒ Β habeen horeba baxsaday.
Source: Gudgude