Balidhiig Oo Ah Magalada Madaxda Dagaanka Baliweynta Gobalka togdheer ee balidhiig aya waxa ka taagan qayla dhaan wax barasho oo aan inaba caadi ahayn taas oo ay keentay sadax shay oo kala ah.
· Shacabka Reer Balidhiig kubaraarugay wax barashada tartan kula jira Gobalada Galbeedka Somaliland si aada wax u baranaaya hadii ay tahay wax barashada maadigaa ama wax barashada diinigaa hadii ay tahay wax barashada dadka waa wayn oo aad looga dareemaayo magaalada Balidhiig
· Dagaanada ku xeeran xarunta Balidhiig oo ka kooban 25 Tuulo aad loogaga soo guuraayo kadib markii ay arkeen inay hana qaaday wax barashadii Balidhiig hadii ay tahay wax barashada diinigaa iyo ta maadigaaba ilaa Dugsi Sare ilaa Dugsi hoose Dhexe.

· Dadkii reer Guuraaga ahaa oo hada magaalada aad u soo dagay watana caruur aad u badan taas oo keentay inuu qaadi waayo Dugsigii Hoose dhexe oo ka koobnaa 9 Galaas hadana maraaya 12 Galaas kadib marii ay laba jib baarmeen 4 dugsi hoose oo mid kastaaba ardaydii ay ka badatay noqdayna laba galas sanadada soo socdana ay fasal kastaaba noqonaayo laba galas .
Baahida ugu badan ee ka taagan xarunta Dagmada balidhiig ayaa waxa ay tahay ardayda oo gaadhay heerkii ugu badnaa ee ay soo marto magaalada Balidhiig fasaladii oo qaadi waayey ardaydii oo geed hoostii wax ku barata Secandary Boodhankaa ee Ina sanwayne qabyaa una baahan in ladhamays tira kaas oo ay ka taagan tahay baahi fara badan ardayda Balidhiig ee iskuulka dhigata ayaa hada waxa lagu qiyaasaa 800-100 arday taas oo ka dhigaysa ardaydii ugu badnayd ee soo marta magaalada Balidhiig.
Mar aanu wax ka waydiinay maamulaha wax barashada Balidhiig ayaa waxa uu noosheegay inay sanadkan ku soo fool leeyihiin 500 oo arday oo ka soo baxaysa fasalada sideedaad ee tuulooyinka ku xeeran Balidhiig sida Dharyalay Dhagax dheer Sibidhlay Candhe dhexe Jaamac Qabar Libaaxle Nasiye Xaydh ducato Dabaqabad Heere Maxamed Ugaas Taalabuur Coodanle Habuura Baalidhaye Gowlalaale ardaydaana hadii aan iskuul qaada oo baadhana loo helin waxa ay ku dhacayan meel cidlaa waxayna ka qasaaroobayaan Dowlada iyo shacabka Somaliland iyo Gobalka togdheer waana in wax laga qabtaa arintaa oo loodiyaariyaa meshii ay waxbarasho sare ka heli lahaayeen ayuu yidhi gudoomiyaha dagmada Balidhiig .
Hadaba iyada oo ay Dagmada Balidhiig sidaa xowligaa ku socoto ayaa hadana dhinaca kale waxayna haba yaratee ayna wax taageeraa ka helin wasaarada wax barashada iyo wasaarada Gobalka togdheer oo inayna aan ka badin ba caasimada Gobalka togdheer wax xilana iska saarin baahida iska soo daba dhacaysa ee magaalada Balidhiig.
Gudoomiyaha Wax barashada ee Balidhiig ayaa waxa uu isku dayey inuu laxidhiidho gudoomiyaha Gobalka Togdheer Abdi Ahmed saeed iyo maamulka wax barashada gobalka togdheer waxaanu tagay tiraba shan jeer xarunta maamulka gobalka togdheer ee burco waxayna u bandhigeen baahida ka taagan magaalo madaxda Balidhiig ee xarunta Baliwaynta ee gobalka togdheer oo ay masuul uga yihiin dowlada Somaliland hasa yeshee aan laga hoos qaadin dalabkoodii iyo baahidii ay qabeen.
Arintan ayaa waxa ay ku soo beeg masaa iyadoo Gudoomiyaha Gobalka togdheer Abdi Ahmed Saeed manta dhagax dhigay kuna kordhiyey sadax iskuul eek ala ah Sheikh Ibraahim Maxamed Cali 21 Noveenbar midkasta dugsiyo dheeraada kadib markii ay qaadi waayeen galas yadii.
Hada waxa ay tahay suaashu maxaa iyada ka dhigay inay ardayda Balidhiig ay geed hoostii wax ku bartaan oo ay dhaxanta iyo dabaysha jiilaalka iyo qoraxda iyo milacda ay guudkooda ku dhacayso su,aashanayaa waxa ay u tala sida ay ka yeelaan wasaarada wax barashada iyo ta maamulka gobalka togdheer .
Abdi Ahmed Kabadhe.
Xarunta Dagmada Balidhiig