Tababarihii Xulka Gobolka Saaxil iyo 15 Ciyaartooy Oo Is Casilay Iyo Sababaha Ku Dhaliyey

0

ย 

Hargeysa(SLpost) – Tababarihii xulka kubadda cagta ee gobolka Saaxil, Mr. Maxamed Axmed Ismaaciil (Shakuur), ayaa shaaca ka qaaday inuu gabi-ahaanba iska casilay xilkii tababarenimo ee gobolka Saaxil, ka dib markii sida uu sheegay uu dhibaatooyin badan kala kulmay Badhasaabka Gobolka iyo isku-duwaha ciyaaraha Saaxil.

 

 

 

Tababare Maxamed Axmed Ismaaciil (Shakuur), ayaa xulka gobolka Saaxil u hoggaamiyay inay u soo gudbaan tartanka ciyaaraha gobolladda eeย  siddeed dhammaadkaย  (quarter final)-ka oo maalmaha soo socdaย  ka bilaabmi doona garoonka kubadda cagta eeย  Magaaladda Hargeysa.

 

 

 

Tababaraha xulka Gobolka Saaxil oo galabta u warramayay Cumar Maxamed Faarax oo ka tirsan Dawan, waxa uu sheegay in isaga iyo 15 ciyaartoy oo ka tirsan xulkiisii ay gabi ahaanba iska casileen xulka kubadda cagta Saaxil.

 

 

 

โ€œWaxaan Caddaynayaa inaan maanta iska casilay tabobarenimaddii xulka Gobolka Saaxil oo aan si weyn oo daacadnimo leh u carbiyay oo aan ku guulaystay inay u soo gudbaan wareega labaad ee tartanka ciyaaraha gobollada ama sideed dhammaadka, hase yeeshee aan xilkaa iska casilay markii ay dhibaatooyin badan iyo wada shaqayn laโ€™aan aan kala kulmay Badhasaabka Gobolka iyo Isku-duwaha ciyaaraha gobolka Saaxil,โ€ayuu yidhi Tababare Shakuur.

 

 

 

Maxamed Axmed Ismaaciil (Shakuur)ย  oo ka hadlayay asbaabahaย  iscasilaadiisa dhaliyay waxa uu yidhi โ€œWaxa kale oo iscasilaadaydan igu weheliya 15 ciyaartoy oo 11 aan ka kaxeeyay Magaaladda Hargeysa iyoย  4 ciyaar-yahan oo aanu ka keenay degmadda Sheekh ee gobolka Saaxil, maamulka gobolku xataa waxay garan waayeen inay na weydiiyaan xaalladda ciyaartoy naga dhaawacmay oo aan jeebadayda ka daweeyay. Taasina waa arrin aanan marnaba filaynin. Waxa kale oo ay nagu hayeen faro-gelin kala duwan oo aan xul ahaan u wanaagsanayn .โ€

 

 

 

Tababare Shakuur waxa uu ka mid ahaa ciyaar-yahanadii waaweynaa ee gobolkii Waqooyiย  galbeed xilligii Soomaaliya. Waxa uu tartankii ciyaaraha gobollada ee kan ka horeeyay ahaa macalinka xulka kubadda cagta ee Daad-madheedh, waxaanu soo gaadhsiiyayย  wareega afar dhammaadka (Semi-final)-ka.

Iscasilaada tababarahan iyo ciyaartoygiisu waxay caqabadย  ku noqonayaanย  xulka Kubbadda cagta Saaxil oo sannadihii u dambeeyay oo dhan ku hadhi jiray wareega koowaad, hase yeeshee sannadkan sameeyay horumar balaadhan.