Hadal-haynta Somaliland iyo Musharax Muuse Biixi Cabdi [WARBIXIN]

0

Musharaxa Xisbiga Kulmiye 2015…..Madal kasta waxaa aad looga hadal hayaa Tartanka Doorashadda Madaxtinimadda ee Xisbiga Kulmiye, iyo Musharaxa u qalma Xilkaasi……

Magaaladda Hargeysa ee caasimadda Somaliland ,ย ayaa maalmahan u muuqata mid aad u mashquul badan, isla markaana ay ka socdaan Ololaha Musharixiinta u taagan Xilka Madaxweynenimadda ee Xisbiga Kulmiye.

Madal kasta waxaa aad looga hadal hayaa Tartanka Doorashadda Madaxtinimadda ee Xisbiga Kulmiye, waxayna Aqoonyahannadda, Siyaasiyiinta iyo Hal-doorkuba aad u hadal hayaan Musharaxa u qalma Xilkaasi.

Qaar ka mid ah dadka u dhuun duleela Ololaha Doorashadda, ย ayaa sheegay inay si dardar leh ku socdaan Ololaha Doorashadda iyo Abaabulka uu Musharax kasta ugu jiro sidii uu libin uga heli lahaa Loolanka Madaxtinimadda , oo la shaaciyey inay dhici doonto maalin Salaasa ah, oo ku beegan bishan soo socota ee November 10-keeda.

Warbaahinta madaxbanaan sida tv-ga universalย  ,ย ayaa wax ka weydiiyey Afkaarta dadweynuhu ka bixinayaan Musharaxiinta , waxa uuna tilmaamay, ย inuu soo maray dhamaan Majlisyadda lagu gorfeeyo Siyaasadda iyo qaar ka midda magaallooyinka JSL, isla markaana uu dhegta u raariciyey maxsuulka Doodaha iyo Falaanqeynta Musharaxa noqonaaya Madaxweynaha Kulmiye.

Guuxa Majlisyadda iyo Fadhi-ku-diriradda amaba goobaha ay Bulshadda isugu yimaadaan ayaana waxaa uu qof kasta ku soo bandhigay Badheedhahiisa ku aadan Doorashadaasi iyo Musharaxa uu u arko inuu ku guuleysan doono Musharaxa Kulmiye Madaxtinimadda JSL.

Sahanka ugu dambeeyey ee lagu soo ururiyey qeybaha bulshadda ku sugan magalooyinka , ayaa waxay 100% isku raacsan yihiin, ย inay Doorashaddu dhici doonto xilligii loogu talagalay, balse waxaa iyadana aan lagu kala duwanayn Musharaxa ugu cadcad Loolankaasi.

Aqlabiyadda ugu badan ee Reer Somaliland ayaa rumeysanย ;- inย Musharax Md Muuse Biixi Cabdiย yahay, ย Musharaxa ku guuleysan doona Xilka Madaxweynaha Kulmiye, waxayna ku sababeeyeen Taariikhda Halgankiisii , Waxqabadkiisa iyo Sumcadda uu ku dhex leeyahay Umadda Somaliland , gaar ahaan Bulshadda ku wada nool Goballadda Somaliland .

Marka la qiimeeyo iyagana Musharixiinta kale ee ย isku garbinaysa Masraxa Doorashadda ee Kulmiye, waxaa hubaal ah inay ka muuqdaan Musharixiin ku cusub umadda JSL , isla-markaana aan caan ka ahayn, kuwo aan ilaa heer Qaran gaadhin ama kuwo ku soo fashilmay xilkii hore loogu aaminay, kuna saaqiday Xil-gudashaddii laga filayey.

Marka docda kasta laga qiimeeyo Musharixiinta u taagan Madaxtinimadda kulmiye , waxaa hubaal ah:- ย inuu figta sare kaga jiroย Musharaxa Muuse Biixi, oo isagu ah Khabiir Siyaasadeed iyo mid Amni, maadaama lagu xusuusan karo, lana qiri karo Halgankiisii & Waxqabadkiisa Heerka Qaran ahaa.

Musharaxa Muuse Biixiย ayaa lagu xusuustaa halgankii, nabadeyntii ,Isbedelkii iyo Dib-u-habeyntii ciidamada Somaliland ย uu ku sameeyeyย iyo kaalintii uu ka qaatay soo-celinta Ammaanka iyo Hawlgalladdii nabadeynta Somaliland.

Taageerayaasha badan ee Musharax Muuse Biixi, waxay ku rajo weyn yihiin100% ย inuu ku guuleysan doono Loolanka Madaxtinimadda ee Kulmiye, maadaama uu yahay Siyaasi khibrad u leh Hoggaaminta Wanaagsan ee udub dhexaadka u ah Aqoonta dadka , u Adeegidda Bulshadda. Iyo Waxqabadka ku dhisan Tashaawarka lagu horumarinayo danaha dadka iyo dalkaba.

Markaynu isku soo xoorino:ย , Hadal-haynta Somaliland waxaa laga dheehan karaa in Musharaxย ,Muuse Biixi Cabdi:- YahayHoggaamiye loo han weyn yahay inuu wax ka beddeli karo Nolosha, Dhaqan-dhaqaale ee dadka ku nool Goballadda Somaliland.

Ugu danbayntii, Cidda hadha iyo cidda guuleysata , dadweynaha ayaa markhaati u noqonaaya.

(Waa la arki doonaa halkay arrintani sal dhigato).

Qore:- Adan Yusuf Elmi /UK