Β
Nairobi(SLpost) β Gudoomiyaha maxkamada sare ee Kenya Dr. Willy Mutunga ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilayΒ gudoomiyaha maxkamada sare iyo ta Dastuuriga ah ahna guddoomiyaha gudidda cadaaladda eeΒ Jamhuuriyada Somaliland Prof. Adam Xaaji-Cali Axmed oo Safar shaqo ku jooga magaaladda Nairobi ee dalka Kenya.
Gudoomiyaha maxkamada sare ee Kenya Dr. Willy Mutunga waxa uu dastuurka dalka KenyaΒ Β hadyad u siiyay gudoomiyaha maxkamada sare Jamhuuriyada Somaliland Markii uu soo booqday.
Prof. Adam ayaaΒ Β Gudoomiyaha MaxkadaΒ Sare ee Kenya si weyn ugala sheekaystay iskaashi dhexmara iyo walliba sidii ay Somaliland wax uga baran lahayd nidaamka Garsoorka Kenya oo aad u hor marsan.
Gudoomiyaha Maxkamada Sare iyo ta Dastuuriga ah ee Somaliland ayaa intii uu joogay KenyaΒ Β ka qayb galay laba shir oo caalami ah. Shirka hore waxa uu ku saabsanaa βShuruuucda oo la is waydaarsadaa doorka ay ka ciyaarto xoojinta Dawlanimo sharciΒ ku dhisanΒ iyoΒ Β maamulka Β ku dhisan hanaanka Axsaabta badan ee Qaarada Africa.
Somalilandpost Office, 2015