Laascaanood(SLpost)-Agaasimaha guud ee wasaaradda khayraadka biyaha Somaliland Dr. Cabdirisaaq Jaamac NuurΒ oo uu weheliyo gudoomiye-xigeenka gobolka Sool iyo maamulaha mashruuca horumarinta biyaha ee sanduuqa SDF Mudane Maxamed Faarax Cabdi, ayaaΒ daahfuray mashruuca biyo ballaadhinta magaalada Laascaanood oo ay hirgalinayso wasaaradda Khayraadka biyaha Somaliland oo kaashanaysa hayβadda Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF).
Mashruucan oo lagu sahaminayo biyaha magaalada laascaanood ayaa waxa markii ugu horreysay laga daahfuray duleedka magaalada Laascaanood ee deegaanka Gambadhe, ugu horreyna waxa halkaasi ka hadlay oo hadalo kasoo jeediyay Maxamed Faarax Cabdi oo ah maamulaha mashruuca horumarinta biyaha ee hayβadda SDF isagoo ka warramay marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray mashruucan biyaha ee magaalada Laascaanood. ββMaanta waxaannu taaganahay Laascaanood duleedka waa goob ay ka socoto shaqadii sahaminta biyaha Laascaanood, waxa inoo bilowday mashruucii biyo ballaadhinta magaalada laascaanood, biyo ballaadhan ma odhan karnee biyo galinta magaalada Laascaanood..ββ ayuu yidhi Maxamed Faarax.
Waxa isaguna halkaasi ka hadlay gudoomiye-xigeenka gobolka Sool mudane Cabdirashiid Xirsi Dalmar, oo uga mahadceliyay wasaaradda Khayraadka biyaha Somaliland dedaalka faraha badan ee ay galisay sidii bulshada reer Sool ay u heli lahaayeen biyo nadiif ah.
Geesta kale waxa isaguna halkaasi ka hadlay taliyaha ciidanka qaranka ee qaybta laba iyo tobnaad ee aagga hore ee Gambadhe, isagoona sheegay inay aad u soo dhaweynayaan biyo galinta deegaankan maadaama buu yidhi aanu ka mid nahay ciidan ahaan dadka deegaankan degan.
Ugu danbeyntii waxa halkaasi ka hadlay agaasimaha guud ee wasaaradda Khayraadka biyaha Somaliland Dr. Cabdirisaaq Jaamac Nuur isagoo sheegay in xukuumadda Somaliland ay ka goβantahay sidii bulshada ku nool gobolka Sool ay u heli lahaayeen biyo nadiif ah. Β Waxaana uu yidhi ββ waxa ugu horayn farxad weyn ii ah maanta inaan taagnahay dooxadda gambadha oo ah jiida hore ee ciidanka, waxaana maanta halkan ku daahfuraynaa mashruucii daraasadda biyaha laascaanood, sida aynu ognahay dhulka ilaahay waa uu kala duwanyahay, qaarabana si baa khayraadkiisa looga faaβidaystaa, dhulkananina waxa uu qani ku yahay biyaha dushiisa, haddii imika aynu eegno dooxadan imika aynu taaganahay waxa mara billion billion billions Mitter Cube Β ama foostaba nidhaahno oo sida ay too u socdaan gala baddanβ¦ββ
Somalilandpost Office, 2015