Salaxley(SLpost)-Guddoomiyaha degmada Salaxley ayaa sheegay in deegaanno hoos yimaada degmada Salaxley in ay ka jirto biyo laβaan baβan. Gudoomiyaha ayaa sheegay in aannay haba yaraatee wax biyo ah oo la cabaa oolin deegaanadaa ayna haleeshay abaar darani. Waxana uu qayla dhaan u diray xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland oo uu wasiirka wasaaradda maaliyadda gaar u carabaabay
Qoolcaday, Ina Guuxaa, Toon, Higladda Iyo Dhimbiriyaale ayaa kamid ah deegaanadan ay ka soo yeedhayso qayla dhaanta biyo laβaaneed.
Gudoomiyaha degmada Salaxley oo qaylo dhaan biyo laβaaneed diraya ayaa waxa uu yidhi βWarbixinta aannu ilaa imika haynno amma aannu aragnayba ayaa ah in aannay habayaraatee wax biyo ah oo la cabaa oolin deegaanadaas. Waxa aannu ugu baaqaynaa wasiirka maaliyadda oo madaxweynuhu u xilsaaray in ay biyo gaadhsiiso deegaanada biyo beela in ay sida ugu dhakhsaha badan biyo ula soo gaadho deegaanadaas. Waxa aannu cod dheer ku sheegaynaa in aan lala soo daahin ee si deg deg ah oo waliba berri ilaa sahandambe ah loola soo gaadho biyaha deegaanadanβ ayuu yidhi guddoomiyaha Degmada Salaxley.
Somalilandpost, Office, 2015