Sheeko Kale: Sidii Ubixii

0

Ubax qurux iyo udgoon badan baa ka soo baxay meel meel abaari ku raagtay. Dadkii meesha deganaa ubixii aad buu ugu riyaaqay.

 

Ubixi markii uu arkay in uu dadki u riyaaqay;ย  wuxu jeclaystay in uu koro oo weynaado; oo ubax badan iyo ugbaad oo kalena agtiisa ka baxaan. Ubaxii oo yoolraacay oo isla maqan; ayaa nin socoto ahi ku joogsaday. Cadaadiskii kaga yimi cagta awgeedna, wuu cambusmay oo sirinsirqoobay. Waxaanuu ka baqay inay naftu ka baxdo. Isaga oo weli khiikh leh, ayuu Ilaahay baryay oo yidhi, โ€œIlaahow! Waad aragtaa oo dadkii deegaanka waa igu riyaaqay.

Arag san, udgoon, iyo anfacba waa iga heleen. Nin aan waxba ogayn baase igu joogsaday oo waaniga liicay ee aan naflacaariga ahay. Ilaahow! Ha laygu badhaadho oo aan barwaaq-horseed noqdo eh, i badbaadi,โ€ Ilaahay ducadii waa ka aqbalay ubuxii. Roob aan saxal lahayn oo ugbaad dhowra ah ayaa ku daโ€™ay deegaankii oo dhan.

In yar ka dibna, ubax badan, ugbaad badan , iyo aroos badan oo ku heesaya, โ€œSidii ubuxii odgoon badanowโ€ฆโ€ย  ayaa deegaankii ka soo baxay!!!