Nairobi (SLpost) โ Gudoomiyaha Maxkamada Sare iyo JSL ahna gudoomiyaha gudida cadaaladda ย ayaa ka qayb galay laba shir oo caalami ah. Shirka hore waxa uu ku saabsanaaย โShuruuucda oo la is waydaarsadaa doorka ay ka ciyaarto xoojinta Dawlanimo sharciย ku dhisanย iyoย ย maamulkaย ku dhisan hanaanka Axsaabta badan ee Qaarada Africaโ(Open Law- Africa Conference 2015,ย the free Access to Law in deepeningย Rule of Law and Democracy ),ย waxaanu ka dhacay Nariobi, Kenya, 12-13 Octorber,ย waxa soo wadaย qabanqaabiyayย African Legal Information Institute (AfricanLii) , SAFLII ( South African legal information institute), University of Cape Town iyoย Kenya Law.
Shirka labaad waxaย uu ahaa shirkii ugu horeeyay ka dhaca Africaย kuna saabsanaa isku imaantinkii ugu horeeyay ee si cilmiyaysan looga hadalo Hirgalinta sharciyada Deegaanka si loo xoojiyo maamul wanaaga, cadaalada iyo sharciga Degaankaย (1st Africa Colloquium on Environmental Rule of Law โย Towardsย Strengthenedย Environmental Governance, Justice and Law), waxaanu ka dhacay Nairobi 14-16 Octoober. Waxaana soo qaban qaabiyayย UNEP, Konrad Adenauer Stiftung iyo Machadaka Tababarka Garsoorka ee Kenya.
Shirkaย hore waxa maalintiisaย hore ka soo qayb galay Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Wadanka Kenya,ย Dr. Willy Mutunga. Waxaanu ka jeediyay khudbadii furtiaanka ooย gudibinaysay fariin ahย in hadii Afrika xaga sharciga isu furto in ay khibradoodaย is waydaarsandoonaan,ย isla markaanaย la heli doono wada shaqayn fiican iyo Cadaalada oo sare u kacda.
Waxa isaguna Kalamadii furitaanka ka jeediyay Gudoomiyaha Maxkada Sare ee JSL,ย Prof. Adam Xaaji-Cali Axmed,ย isagoo ka jeediyaya khudbadan gubinaysay fariin ah in Afrika aan isku meel taagnayn laakin wax la kala barankaro sidaa awgeed waxa muhiim ah in laga yeesho Qorshe iyo siyaasad cad Guud ahaan Afrika iyo Qaybaheeda kale duwan ba .
Dhinaca kale Gudoomiyaha Maxkada Sare waxa ay kulan Gaaban wada qaateen Gudoomiyaha Maxkadaย Sare ee Kenya iyaga oo ku balamay in ay kulan dheer isugu yimaadaan Maalinta Khamiista ee 15 Octoobar si ay ugu sheekaystaan iskaashi iyo walliba sidii ay Somaliland wax uga baran lahayd nidaamka Garsoorka Kenya oo aad u hor marsan.
Shirka labaadย waxa uu ku saabsanaa Hirgalinta sharciyada iyo Siyaasadaha Ilaalinta Deegaanka oo waxa hogaaminaayay Hayโadda u qaabilsan Qaramada Midoobay Xaga deegaanka ee UNEP. Macluumaadka ku saabsan shirkan waxa laga heli karaa link hoos ku yaala.
Gebagebadii Shirka hore waxa la isla qaatay in Dawladaha Barig Africa ay samaystaan isku xidh iyo qorshe ay isku kaashaadaan xaga isu gudbinta sharciga iyo Goโaamada Garsoorka.
Shirka labaadna waxa la raynayaa in ay ka soo baxaan qodoba Afrika ay sharciyada Deegaanka ku hergaliyaan oo la isla ogol yahay.
Somalilandpost.net, Office