Hargeysa(SLpost)-Guddoomiyaha Golaha wakiilada Somaliland Ahn Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI ย C/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro,isagoo ku haddlaya Magaciisa ka Shir- Guddoonka Golaha Wakiilada Somaliland Iyo Ka Hoggaanka Xisbiga Mucaaradka Ah ee WADDANI, wuxuu hambalyo Iyo Duco U Dirayaa ย Dhamaanba Shacabka weynaha reer Somaliland Meelkasto oo ay Joogaan iyo Guud ahaanba shucuubta islaamka,munaasaba sanadka cusub ee Hijriga Awgeed 1437, taas oo ku beegan arbacada Bari 14.10.2015
Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro), waxaa uu Illaahay uga baryeyaa umada reer Somaliland ย iyo guud ahaanba shucuubta kala duwan ee islaamka inay ย sanadkan, sanadkiisa ย ku gaadhaan bash bash, barwaaqo iyo nabad qab. Isaga oo sida oo kalena Illaahay uga baryey guud ahaanba inta xanuunsanaysa in uu xanuunka ka dulqaado, intii dhimatayna uu u naxariisto oo janatul Fardawsa uu ka waraabiyo.
Waxaana uu guddoomiye Ciro uu leeyahay hambalyo hambalyo Alleh sanadkan sanadkiisa nabad iyo caafimaad qab, cimri dherer & cibaado suuban, ha hanagu gaadhsiiyo .
Aamiin Aamin Aamin
Wa Kullu Caam Wa Antum Bikhayr,,,
Xoghayaha War-faafinta Xisbiga WADDANI
Mujaahid Boobe Yusuf Ducaale