Qasa(SLpost)- Israaβiil ayaa waxay ciidankeeda booliska siisay awood ay xadidaad ugu soo rogi karaan qeyba ka mid ah bariga magaalada Qudus, kaddib markii dhawaantan ay Falastiiniyiinta ka gaysteen halkaasi mawjado weerrarro ah oo ay Yuhuuda ku beegsadeen.
Waxaa la sheegay in masβuuliyiinta ay burburin karaan guryaha Falastiiniyiinta weerrarka ku soo qaada Israaβiiliyiinta, sidoo kalena ay ka qaadi karaan xaqa ay u leeyihiin in ay ku noolaadaan magaalada Qudus.
Raβiisul wasaare, Benjamin Netanyahu, ayaa Isagoo ka hadlayay baarlamanka Israaβiil, waxa uu sheegay in dowladiisa ay sameyn doonto waxkasta oo macquul ah oo ay ku soo celin karto kala dambeynta.
Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka, John Kerry, ayaa waxa uu digniin culus ka soo saaray mowjadaha deganaansho laβaanta ah ee ka taagan Israaβiil iyo dhulka Falastiiniyiinta.
Saddex Israaβiiliyiin ah ayaa weerradii ugu dambeeyay ee ka dhacay Qudus lagu dilay Salaasadii.
Korodhka qalalaasaha ayaa yimid kaddib xiisado ka dhashay booqashada masjidul Aqsaa, Yuhuudana ay u yaqaanaan Temple Mount, xiisadahaasi oo todobaadya taagnaa, kadib markii la xadiday tagitaanka Falastiiniyiinta ee Masjidka.
Mr Kerry, xoghayaha khaarajiga Maraykanku waxa uu sheegay in ay tahay in la joojiyo qalalaasaha.