Agaasimaha Cusub ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Oo Xilkii La Wareegay

0

 

Hargeysa(SLpost)-Agaasimaha Cusub ee Wasaaradda arrimaha dibada somaliland Cabdiraxmaan Maxamuud Abdeeqย  ayaa maanta si rasmi ah xilkii ugala wareegay agaasimihii hore ee wasaaradaasi Maxamed Xasan Siciid.
Munaasibad aad loo muuneeyay ayay labada Masuul xilalka kula kala wareegeen, waxaana ka soo qayb galay Wasiirka arrimaha dibada, wasiir xigeenka, shaqaalaha wasaarada, masuuliyiin iyo dadweyne kale.

Agaasimihii hore ee wasaaradda arrimaha dibadda Maxamed Xasan Siciid oo halkaasi ka hadlay ayaa yidhi โ€œWaxaaย  uu xilkan madaxweynuhu ii magacaabey 2013 bishii July waxaana ay aheyd shaqadii saddexaad ee uu Madaxweynaha Jamhuuriyada somalilandย  ii magacaaboย  mudadii ay xukuumadani jirteyย  runtiina xilalkaas la ii magacaabey waxaa ay aheyn qaar la igala tashadey oo aan wax badan ka ogaaย  inta badanna dalab aan anigu dalbadey ku yimidโ€

โ€œMaanta xilkan aan wareejinaayo waa xil aan anigu gartey in aan wareejiyoย  mudana aan kuย  hawlanaana in xilkan cidii qaban laheyd ee hanan laheyd aniga dabadayย  loo soo magacaaboย ย  dhawr jeerna madaxweynaha aan u gudbiyey istiqaaladeedย  waxanan maanta ku faraxsanahay in xalkii loo soo magacaabo Cabdiraxmaan Maxamuud Abdeeqย  oo aan isย  leeyahay waaย  masuul hanan kara shaqadanย  waxaanan leeyahay ku soo dhawoowโ€ Ayuu Yidhi Agaasimihii Hore ee Wasaarada Arimaha Dibadaย  Somaliland Mudane Maxamedย  Siciid Xassan

Sidoo kale waxaa isna dhinaciisa Hadalo kooban ka yidhi agaasimaha cusub ee loo soo magacaabey wasaaraddaasi mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Abdeeqย ย  waxaana uu yidhi โ€œ Marka horeย  waxaa mahadda iska leh madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilanyo oo gartey in uu xilkan ii magacaabo xukuumaddan waxaan odhan karaa waa xukuumaddii dhalinyarada waxaana aad ka garan kartaa waxaa xilka igu wareejinaya nin dhalinyaro ah waxaana la wareegaya aniga oo ah nin dhalin yaro ahโ€

โ€œRuntii waxaan ku da daali doona sidii aan uga soo bixi lahaa xilkan la ii magacaabey waxaanaย  shaqaalaha wasaardan shaqo wacanย  baan idiin rajeynayaaโ€ ayuu yidhi agaasimaha cusub eeย  loo magacaabay wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland Muddane Cabdiraxmaan Maxamuud Abdeeqย  .

Gabogabadii wasiirka wasaaradda arrimaha dibada somaliland Maxamed Biixi yoonis ayaa madasha ka jeediyey hadallo koobanย waxaanna uu yidhiย  โ€œ Waxaannu aad iyo aad u soo dhaweynaynaa Cabdiraxmaan Ab Deeqย  Agaasimaha cusub ee wasaaraddan loo soo magacaabayย  waxaana sidoo kale si kalgacayl ah aannu u sii sagootinaynaaย  Maxamedย  Xasan Siciid oo aad iyo aadย  noola shaqeeyeyย  runtiinaย ย  Maxamed Isaga ayaa talada goostey in uu shaqada ka tagoย  istiqaaladiisii mar hore ayuu dhiibeyย  aniga iyo madaxweynaha ayuu noo dhiibeyย  balse waxaa aannu ka codsanay in uuย  in yar nala sii joogoย  aad iyo aadna waan kugu mahad naqaynaa in aad naga ajiibteyย  oo aad arinkaas aan kula nimid aad naga aqbasheyย  maantana aad iyo aad baannu ugu faraxsanahay in uuย  badelkiisii oo cabdiraxmaan ahi nala joogo waxaana aanu leenahay soo dhawoow cabdiraxmaan โ€œ ayuu yidhi wasiirka wasaarada arimaha dibada somaliland Maxamed Biixi Yoonis

Ugu danbeyntii wasiirka wasaarada arimaha dibada somaliland ayaa waxaa uu si rasmo ah xilalka ugu kala wareejiyey agaasimaha cusub ee wasaarada arimaha dibada iyo agaasimihii hore .