Wasiirka Wasaaradda biyaha ee Jamhuuriyada Somaliland ayaa safar xaalad ogaan ah ku tagay ceelasha biyaha ee magaalada Boorame ee Xarunta gobolka Awdal. Kormeerkan ayaa waxa wasiirka ku wehelinayey badhasaabka gobolka Awdal, Maayirka magaalada iyo Gudoomiyaha shirkadda biyaha ee Shaaba.
Ugu horayn waxa halkaasi ka hadlay maayarka degmada Boorame Mudane Maxamed Xuseen Maydhane, hadaladiisiina waxa ka mid ahaa โMudane Wasiir waannu kaaga mahad celinaynaa kormeerkaagan, waxa aanaanu kaa rajaynaynaa sidaa aad imikaba noo balanqaaday biyaha oo magaalada gabaabsi ku ahaa in aad wax naga la qaban doontoโ
Waxa isaguna madashan ka hadlay gudoomiyaha gobolka mudane Maxamuud Cali Salleebaan โRamaaxโ, waxaana uu yidhi โIyada oo Boorame ahayd magaalooyinka ugu biyaha badan leh dalka, haddana abaartii dheeraatay aawadeed waynnu wada dareemaynaa, sidaa darteed wasaaradda oo nagala qayb qaadanaysa sidii baahidaa loo daboli lahaa wasiirka aad baannu ugu mahad naqaynaa iyo waftigiisaba, iyada oo mashaariic hor leh oo ay ku jiraan ceelal laga bilaabayo magaaladaโ
Wasiirka Wasaarada biyaha oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa amaan iyo dhaliilba u soo jeediyay shirkadda Shaaba sida ay u maaraysay biyaha magaalada ย waxa ka mid ahaa hadaliisa โWaxaanu u kuurgalnay ceelashan iyo sida ay u shaqaynayaan iyo inta imika shaqaynaysa iyo kuwaย hadda gudhayba, waxa kale oo aanu wada hadalnay shirkadda Shaaba oo biyaha magaalada gacanta ku haysa oo runtii si wanaagsan u maamulay waxase la soo kulantay dhibaatadan oo ah in ay ceelashii badh gudheenโ
โDadaal badan baannu ka samayn doonaa, xukuumadana mudnaanteeda koowaad waa biyahaย iyo sidii dalku u heli lahaa biyo ku filan oo nadiif ahโ ayuu yidhi wasiirka Wasaaradda biyaha ee Jamhuuriyadda Somaliland.
Boorame oo ka mid ah magaalooyinka ugu biyaha badan leh ee jamhuuriyadda Somaliland ayaa abaarta oo ku dheeraatay aawadeed ay ku keentay in ceelal badan oo kuwa biyaha ay magaaladu ka hesho ahi ay gudheen.