Suunaami (Gabay)

Gabaygan waxa tiriyay Xiis Maxamed Cilmi isagoo is barbar dhigaya wakhtiyadii ismari waaga siyaasadeed ka jiray dalka siday dhalinyarada, haweenka, & saxaafadu ula halgameen xukumada hadda jirta oo wakhigaa muncaarad ahayd iyo hagardaamada abaalka looga dhigay wakhtigan, haddaba isagoo xusaya in hiilka kaliya ee muncaaradku lahaa ay saxaafadu kow ka ahayd wuxu yidhi sidan:-
Seben adag dadkoo wada surmiyay samada oo qiiqday
Suunaami iyo waayo kulul maalmo kala suura
Siyaasiga muncaarida dharaar seefta lala eegtay
Siiraanyo oo laga qabsaday sabada miidaanka
Kulmiyoo sinbiidhiyo colaad sabada loo diiday
Sawd iyo markii laga xarimay sacab dhamaantiiba
Safka hore warfidi-yeenadaa geeyay samadaase
Suxufiga intii madax banana oon la kala soocin
Haddii aanay sidin maalmahaa sed uma aayeene
Ololaha sawaxankii bulshadu soohdimaha jiidhay
Sawir qaadayaal iyo websayd xarafna seegaynin
Saamiga intii hadal ka baxo saydhadh kal jaada
Signalada intii shaashadlee daawashada saarta
Inta samic leh iyo raadiyaha weedha socodsiiya
Saxanada isbayskiyo intii wararka suuq gaysa
Sumcad laha horyaal kaybaalkaan cidi saluugaynin
Sebi iyo barbaar iyo haween soodhka wada qaatay
Intii garabka siisiyo abwaan tiriya suugaanta
Inta gabay samaysiyo fanaan heesta socod siiya
Ayaa sababay xaajigu inuu samir ku fowsaaye
Haddii aanay saaacidin halkaa kuma sugnaadeene
Sokadii ILAAHAY ra,iis kumaba seexdeene
Goortii salaanad kursiga taashka lagu saaray
Waxba yaanu sooryayninuu samo u qoondayne
Ma geyaan saqdii dhexe xornimo inay ka suulaane
Sakalaha qarsoon uma qalmaan lagu sadqeeyaaye
Biladaha sarsare way muteen cidina may siine
Sooyaalka taariikhiga ah kamaba saarteene
Taalooyin sumad fiicanbaad sees u dhigi layde
Saymaha inaad wada xidh xidhi cidi ma suurayne
Mar hadayse saaxiibtinimo maanta socon wayday
Ama aan samaan iyo abaal loo sed celinaynin
Waxba yaan sided hadhay mid kale saarku noo qabane
Sandulaha ka dhawr yaan bulshadu siidhi kuu tumine
DHAMAAD
XIIS MAXAMED CILMI SHANFOOL,
ย BERBERA SOMALILAND
ADDRESS:- XIIS475@HOTMAIL.COM