Ururka UK Somaliland Community โ€“ Warsaxaafadeed (Press release )

0

ย (Haddii Somaliland ka qayb gasho Shirka Feb,2012 kooxahaย  Soomaaliya loogu qabanayo Uk,waxaa la gudboonย  Ururada/Shacabka reer Somaliland gudaha iyo dibadaba/Xisbiyada Mucaaridka ,intaba sidii loo badbaadin lahaaย  Qarannimada Somaliland).

Waxaa xalay oo taariikhdu ahayd 19 Jan 20012 Shir deg ah khadka Telefon(Teleconference) ku yeeshay Guddidda fulinta ee Ururka Uk. SLC. Shirkaa waxaa Guddida fulintu kuย  falanqaysay xaalada Siyaasadeed ee xilligan uu ku sugan yahayย  dalka Somaliland,gaar ahaan Shirka Kooxahaย  Soomaaliya loogu qaban doonoย  Feb.2012ย  dalka UK,hadaba Guddida fulinta ee Ururka SLC, ka dib falan qayn dheer,ka baaran degid dheer iyo dood dheer ka dib waxay isku raaceen qodobadan hoos ku xusan:-

1.ย ย ย ย  Ururkaย  Uk.SLCย  waxaa u cadaaday in Xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye uu xilli hore qorsheeyey sidaa loo baabinย  lahaaย  jiritaanka Qarannimada Somaliland,waxaa cadaan ah inย  mashruucaย  lagu duminayo Somalilandย  uu Kulmiye soo qaatayย  14 Jan 2010 ,ka dib markay Xisbiga Kulmiye kulan la yeesheen Donald Payne (USA).Waana cadahay in Xisbiga Kulmiye iyo Xukuumadiisu ay fulinayaa qorshayaal ay hore u soo galeen.

2.ย ย ย ย  Guddida fulinta ee Ururkaย  Uk.SLCย  waxay isku raaceen in si deg deg ah loola xidhiidho Dowlada UK,Midowga Yurub iyodhamaanba saaxiibada reer Somaliland ka tirsan Dowladahaas

3.ย ย ย ย  Waxaanu digniin culus iyo cambaareynba halkan uga soo jeedinaynaa Xisbiga Kulmiye iyo Xukuumadiisan,waxaanu u sheegaynaa in ,haddii ay isku dayaan in ka qayb galaan Shirka kooxa Somaliland loogu qabanay Ukย  bisha Feb 2012,in lagu qaadi doonoย  khiyaamo Qaran,dhibta ka dhalatana ay Xisbiga Kulmiye iyo Xukuumadiisu ka masuul noqon doonaan.

4.ย ย ย ย  Waxaanu la socodsiinaynaa Dowladahaย  wada/maalgelinaya/ka shaqaynaya Shirkaasย  in Somaliland ay Soomaaliya ka go.day 18 May 1991, in ay dib ula midowdana ay ku adagtahay shacabka reer Somaliland.suurta galna hayn.

5.ย ย ย ย  Ururka Uk.SLCย  wuxuuย  ugu baaqayaa Xisbiyada Mucaaridka ah ,in ay ka digtoonaadaan,il gaarana ku hayaanย  talaabo kasta oo ay isku dayaan Xisbiga Kulmiye iyo Xukuumadiisu.

6.ย ย ย ย  Ururka Uk.SLC,wuxuu ugu baaqayaa guud ahaanba shacabka reer Somaliland gudaha iyo dibadaba in ay u diyaar garoobaan sidii ay u difaaci lahaayeen Qarannimada Somaliland oo xilligan Xisbiga Kulmiye iyo Xukuumadiisu doonayaan in hog dheer ku tuuraan.

Ugu dambayntii Ururka UK.SLC wuxuu isku raacay in ay si taxadir leh ula socdaan talaabo kasta oo ay qaadayaan Xisbiga Kulmiye iyo Xukuumadiisa,loona diyaar garoobo sidii jawaab deg deg ah looga bixin lahaa.

ALLAAย ย  MAHADย  Leh

Guddida Fulintaย  UK/SLC

Contact as(nagala soo xidhiidh): uk.slc@hotmail.co.uk