Hargeysa, 21 January, 2012 (SLpost)- Waxa maanta Magaalada Hargeysa ka furmay Kalfadhigii 17aad ee Golaha Wakiillada Somaliland kaas oo xildhibaannada golaha loogu qaybiyey ajandayaasha kalfadhigan.
Kal-Fadhigan maanta furmay oo uu shirguddoominayay Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cabdiraxmaan Ciro), ka dib markii loo qaybiyey ajandaha kal-fadhiga, waxa uu Guddoomiyuhu mudanayaasha u soo jeediyey in ay soo naaqishaan ajandaha kalfadhiga isla markaana ay maalinta Berri ah la isugu soo noqdo si looga dodo.
Ajandaha Kalfadhiganย ayaa wax aka mid ah
- Warbixinta Shirguddoonka iyo guddida joogtada ah
- Mashaariicda sharci ee golaha horyaala
- Anisixinta Miisaaniyadda Qaranka
- Wax ka bedel iyo kaabista xeerka baanka dhexe
- Xeerka baanka Islaamka
- Xeerka Nabadgalyadda Wadooyinka
- Xeerka Biyaha
- Xeerka Iibka Hilibka
- Xeerka ka ganacsiga hawlaha baanka
- Xeerka aasaaska komishanka maamul wanaaga iyo la dagaalanka musuqmaasuqa
- Xeerka caasimadda
- Xeerka ciyaaraha
- Ansixinta masuuliyiinta qaranka
- U yeedhis masuuliyiin qaran
- Iyo wixii kale ee soo kordha
Somalilandpost News
webmaster@somalilandpost.net