Hargeysa, 19 January, 2012 (SLpost) โ Maamulaha Guud ee shirkadaha Dahabshiil Md. Cabdirashiid Maxamed Siciid ayaa markii ugu horreysay ka warramay hawlaha xawaaladaha Soomaalida ee Minnesota, kaddib xayiraaddii lagu soo rogay toddobaadyo ka hor.
Md. Cabdirashiid oo u warramayay barnaamijka Ganacsiga ee laanta afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC, waxa kale oo uu sharraxaad ka bixiyay adeegyada shirkadaha Dahabshiil iyo khudbad uu ka jeediyay Jaamacadda caanka ah ee London School of Economics.
Maamulaha Guud ee Dahabshiil waxa uu xusay in xayiraadda lagu soo rogay xawaaladaha Soomaalidu aanay ahayn mid ku baahsanayd guud ahaan dalka Maraykanka, bal se ay ahayd mid ku kooban gobolka Minnesota iyo Bangi ka mid ah bangiyada ay xawaaladuhu wada-shaqaynta la leeyihiin. โMaraykan oo dhan maaha, waa gobolkaas Minnesota, bangiyada oo dhan maaha, waa bangiyada qaar, iyaga oo sharciyada jira ka baqaya waxay yidhaahdeen shirkadaha Soomaalida ee Minnesota ka shaqeeya ma doonayno inaan la shaqaynno. Shirkadaha Soomaalida ee shaqeeya gobolka Minnesota sharcigii way buuxiyeen, cid ku haysata oo leh sharcigii baad ka soo bixi weydeen ma jirto. Waa bangiyada qaar oo ka baqaya in maalin maalmaha ka mid la yidhaahdo lacag baa beri la idin mariyayโ ayuu yidhi Md. Cabdirashiid Ducaale.
Cabdirashiid waxa uu ka warramay sida ay illaa iyo iminka u socdaan hawlaha xawaaladaha Soomaalida ee Minnesota, isaga oo Soomaalida gobolkaas ku dhaqan ka codsaday inay iskaashaadaan, isla markaasna ay warkooda gaadhsiiyaan maamulka dalka Maraykanka. โShaqadii way socotaa oo dadka waannu u shaqaynnaa. Hawl baa se weli taalla, waxaanan ka codsanayaa dadka Maraykanka jooga iyo Soomaalida gobolkaas ku dhaqan ba in iyaga oo iskaashanaya ay warkooda gaadhsiiyaan Congress-ka, Senate-ka Maraykanka, maxaa yeelay, arrintani waa mid dadka Soomaalida ah oo dhan saameynaysaโ ayuu yidhi Maamulaha guud ee shirkadaha Dahabshiil, isaga oo sheegay in shirkadaha Soomaaliyeed ee gobolka Minnesota ay ilaaliyeen sharciyada u yaalla Maraykanka.
Cabdirashiid waxa uu ka hadlay kaalinta ay adeegyadooda ganacsi kaga jiraan horumarka Soomaalida, isaga oo si gaar ah u xusay doorka shirkadda isgaadhsiinta Teleefannada ee Somtel โShirkadda Somtel oo Dahabshiil saami ku leeyahay, waxay bulshada u soo bandhigtay Internet iyo Teleefanno aad u jaban. Tusaale ahaan, Cayaaraha Soomaalida oo kale, waxa si toos ah u soo gudbinaysay shirkadda Somtelโ ayuu yidhi Maamuluhu, waxaanu tilmaamay in shirkaddiisu ay mar walba caawimo dhaqaale ka geysato arrimaha bulshada ay u adeegto, mar kasta iyo meel kasta.
Maamulaha Guud ee shirkadaha Dahabshiil Md. Ducaale waxa uu sidoo kale faahfaahin ka bixiyay khudbad uu shalay ka jeediyay mid ka mid ah Jaamacadaha ugu caansan dunida. โLondon School of Economics, waa halka ay hoggaamiyeyaasha iyo siyaasiinta adduunku ka soo baxaan. Markii ay na soo doorteen waxay yidhaahdeen, waddammo dhibaatooyin laga sheego ayaad ka shaqaysaan, markaas waxaannu doonaynaa in aad nooga warrantaan sida aad uga shaqaysaan? Annaga sharaf bay noo tahay in aannu Jaamacaddaas ka hadalno oo aannu dalkeenna wanaaggiisa ka sheekaynno, maxaa yeelay, inta badan xumaan baa la innaga sheegaaโ ayuu hadalkiisa ku soo gebagebeeyay Md. Cabdirashiid MS Ducaale, maamulaha guud ee shirkadaha Dahabshiil.
Somalilandpost News
webmaster@somalilandpost.net