Hargeysa(SLpost)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Ucid Eng.Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay inay aqbaleen goβaankii maxkamada sare, isga oo ku tilmaamay goβaankaas mid waxyeelaya Somaliland.
Guddoomiye Faysal oo warbaahinta la hadlaayay waxa uu yidhi βGo’aanka maxkamada waa lagu qasban yahay, inkasta oo aanu qabno inuu qaraarkaasi yahay mid waxyeelo badan gaadhsiinaaya dalkeena hadana anagu waanu ogalaanay, waxa laga yaabaa in la yidhaahdo maxay is dhaamaan sanad iyo lix bilood iyo sanad iyo toban bilood, anaga afar bilood waxba nalamay ahaayeen laakiin dadbaa waxan inala leh, waxaynu iibin jirnayna waxa ay ahayd doorasho, waxa joogtay intaas oo wakiil oo ka wakiil ah daneeyayaashii, anagu duuduub ku liqnay kiniinkaas qadhaadh, waa laakiin in ay dibada tagaan sadexda xisbi oo ay aduunkii soo raadiyaan inay iyaguna inala taageraan goβaankaas maxkamada, waxii ay ina tari jireena aanay meesha uga saarin oo ay dhaqaalihii u bixiyaan.β