Somaliya(SLpost)-Diyaaradaha dagaalka ayaa ku duqeeyay gobalka Galguduud ee Somaliya afar gaadhi oo ay wateen ururka Al-shabaab.
gaadiidkan duqaynta laโla bartilmaameedsaday ayaa ay dadka deegaanku warbaahinta u sheegeen in sadex ka mid ah duqaymaha lagu waxyeeleeyay halka kii afaraadna uu halkaas ka baxsaday. waxaana goobtaas la wareegay oo dadka shacabka ah ka horjoogsaday ciidamo ka tirsan kuwa Al-shabaab.
lama garnaayo cida saarnaynd gaadiidkan duqaymaha laโla bartilmaameedsaday, waxase ay u dhawdahay in diyaaradahaasi ay bartilmaameedsanayeen qaar ka mid ah saraakiisha ururka Al-shabaab oo saarnaa kolanyadan gaadiidka ahayd.