Kabul, 13 January, 2012 (SLpost)- Kutubta Qurβaaka kii ugu xajmi weynaa caalamka ayaa shalay dhammaystirkiisa lagu soo bandhigay xarun ku taala magaalada Kabul ee dalka Afghanistan.
Kitaabkan oo xajmigiisu yahay 7 fuudh (228 Sentimitri) oo dherer ah iyo 10 fuudh (310 Sentimitir) oo ballac ah ayaa ka kooban 218 bog isla markaana lagu sameeyey 30 nashqadood oo kala duwan, ayaa dhamaystirkiisu qaatay muddo shan sannadood ah.
Munaasibadda lagu soo bandhigay kitaabka oo lagu soo bandhigay masxaf ka Hakim Nasir Khusraw Balkhi, wax aka soo qayb-galay culimo faro badan iyo masuuliyiin dawladda ka tirsan. Waxaana mashuuracan maal-geliyey Alhaj Syed Mansoor Naderi oo ah hoggaamiyaha dariiqada Ismaaciiliya ee Mahdabka Shiicada dalkaΒ Afghanistan.
Nashqadeeyaha sameeyey muuqaalka Quruxda badan ee Kitaabka lagu Xardhay, Mohammad Saber Yaqoti HussainiΒ iyo Ardaydiisa, ayaa hawshooda bilaabay sannadkii 2004 wakhtigaas oo labadii sanno ee ugu horreyey ay si joogto uga shaqaynayeen nashqadaynta ku habboon.
Waxa indhaha dadka soo jiitay in 30 Jus ee Kitaabka Qurβaanka lagu sameeyey 30 nashqadood oo kala duwan, waxaana ay hawsha ka faraxasheen bishii September ee sannadkii 2009.
Wadaadka maal-galiyey mashruuca oo ka hadlay munaasibadda bandhiggiisa, Mansoor Naderi, waxa uu dhammaystirkiisa ku sheegay guul u soo hoyatay dalka Afghanistan iyo dhammaan Muslimiinta ku nool Caalamka.
Somalilandpost.net
webmaster@somalilandpost.net