Hargeysa, (SLpost)- Maareeye ku xigeenka Wakaaladda biyaha Hargaysa Cismaan Cabdilaahi Hirad, ย ayaa sheegay in biyo yaraanta baahsan ee maalmahan ka jirta magaaladda Hargaysa ay sabab u tahay ย Ceelashii biyo laga soo saari jiray ย oo ay biyahoodu yaraadeen iyo abaaraha ka jirra degaamo ka mid ah dalka oo saamayn ku yeeshay.
Maareeye ย ku xigeenku waxa uu tilmaamay ย in qaybta ugu badan ee bulshadda caasimadda ay biyaha siin jireen Booyadaha ka soo Dhaamiya dooxyadda magaaladda u dhaw, hase yeeshee Booyadihii intoodii badnayd ayย dhawaan bilaabeen in ay biyaha u qaadaan meelahaย ay abaaruhu ka jiraan.
Cismaan Cabdilaahi Hirad,ย oo shalay ย shir jaraaโidย ย ku qabtay xafiiskiisa ayaa ku dooday in ย aanu jirin wax is-bedel ah oo ku yimid biyaha ay soo saarto Wakaaladda biyaha Hargaysa oo ย ay sidii caadiga ahayd u socdaan, isla markaana ay weliba kordhiyeen saacadaha ay Mishiinadu biyaha ka soo saaraan Ceelasha.
Waxaanu ย ย ย ย yidhi โMudooyinkanย danbe waxaaย magaaladda Hargaysa ka jirra biyo laโaan, taasiย oo aan ahayn tii aanu anagu wadnay.ย Mushkiladdaย jirtaana waxa weeyi,ย marka horeย biyihii aanu anagu soo saari jirnay guud ahaanbaย waanu soo saarnay,ย intii MQ (Miter Quebec) ย ย ย ย ee aanu soo saari jirnay,ย si wanaagsana way u shaqeenayaan oo way u socdaan. Waxaย kale oo jirta xilliganย aynu ku jirno waa Xagdaa,ย Guโgiiย Jiilaal buu isku bedelay oo roob ma diโin,ย toban bilood gudahood wax roob ah oo ka daโayย Hargaysa iyo hareeraheeda ma jiro.ย Dooxyadiiย biyaha laga soo dhaamin jiray waa laga waayey, Booyadahaย ayaa ugu yaraan 45% buuxin jiray adeega biyaha ee caasimada Hargaysa, taasi waxayย keentay in ayย Ceelashii biyo ka waayaan, mararkaย qaarna ay dhacdoย biyo laโaantaย jirta Baadiyahaโ.
โMarkaaย Booyadihii waxay u qaybsameen waxย Baadiyaha taggaย iyo wax goobihii ay tegi jireen biyo ka soo waayey, middaย kalena way jirtaa oo markiiย Booyadihii ay dadkuย ka Dhaansan jireen ay waayeen waxayย noqotay,ย in meeshii biyaha yar ka baxayeen in la iskugu taggo,ย oo Jirikaamadda la isugu geeyo.ย Laakiinย haddii aanu nahay Wakaaladda biyaha Hargaysa, waanu soo saarnaa biyihii aanu soo saari jirnay, welibaย saacado aanu Bakhtiin jirnay Mishiinaddaย ayaanu ku darnay oo Afar saacadood oo dheeraad ah, kuwaasiย ayaa ku jira biyihii aanu markii hore soo saari jirnay,ย si aanu u ilaalino baahida biyo laโaaneedโ ayuu yidhi maareeye ku xigeenka Wakaaladda biyaha Hargaysa.
Dhinaca kale maareeye ku xigeenkaย Wakaaladda biyaha Hargaysa, ayaa u soo jeediyay war-baahinta in marka ay xog uga baahdaan Wakaalaadda biyaha in ay la soo xidhiidhaan masuuliyiinta, balse aanay qaadan wararka kutiri-ku teenka ah. ย ย ย โWaxaan u sheegayaa dadka war-xumo ย tashiilka ah, ย ee meelahaa la yaacaya warka in marka ay doonayaan Wakaaladda biyaha, ee ay ย wax ka sheegaan inay annaga na waraystaan, ย oo ay noo yimaadaan, masuuliyiintii baa joogta, dadkii biyaha cabayey baa jooga, biyo soo saarkii baa jira.ย Markaa ย ย waa inay masuuliyiinta ย ka waraystaan,ย ee aanay ku-tiri kuteenka qaadanโ ayuu yidhi Cismaan Cabdilaahi Hirad.
Ugu danbayntii ย Cismaan Cabdilaahi Hirad, ย waxa uu ย kula dar-daarmay ย bulshaddaย ย inay ka daayaan Ciidda ay ka gurayaan dooxyadda, ย taasi ย oo uu sheegay in ay sababtay ย in biyuhu ay fogaadaan isla markaana dooxyadii laga Dhaasan jiray biyaha in biyo laga waayo.