Malala Yousufzai, oo ah qofka ugu daโda yar ee ku guulaystay abaal-marinta Nobel Prize ayaa u daabal-degtay 18 sano guuradii ka soo wareegtay dhalashadeeda.
Waxay furtay iskuul ay ugu talo-gashay qaxootniga Syria.
Waxay caan ku noqotay dedaalka ay ugu jirto waxbasrahada gabdhaha kadib markii ay ka badbaaday weerar ay Taalibaanka ku qaadeen.
Malala waxay doorbiday in qaan-gaadhnimadeeda ay ku billawdo furitaanka iskuulkii ugu horreeyay ee uu maalgaliyo sanduuq magaceeda ku diwaangashan.
Waxay ku eedaysay waddamada gobolka inay ku guul-daraysteen in ay wax ka qabtaan xaaladda qaxoontiga Suuriya.
Ololaheedu waxa uu hadda ku qotamaa sidii ay hogaamiyeyaasha dunida ugu qancin lahayd inay maalgeliyaan waxbarashada bedelkii hubka.