London, (SLpost)- 32 jirkan haysta labada biladood ee dahabka ah ee Oliimbigga ayaa ku orday 13:11:77. Orodkan ayaa ah kii ugu horreeyey ee uu Mo Faarax ordo muddo lix todobaad ah tan iyo markii ay soo baxeen warar sheegaya in tabobarihiisa Alberto Salazar uu ku xad-gudbay xeerar ka yaalla isticmaalka dawooyinka mamnuuca ah.
โWaa sidaas sida loogu jawaabo dadka qaarkood ee tabobarahayga dhaleeceynayaโ ayuu yidhi.waxa uu intaas ku daray, โWaxaan aad ula tartamay 17-ka jirka Itoobiyaanka ah ee Yomif Kejelcha oo ku orday 12:58:39.โ
Mo Faarax wuxuu ciyaaryahankaas ka horreeyey 300 oo mitir, wuxuuna sii dabaaldegay isagoo aan xarriiqda ka gudbin.