Brussels, (SLpost)- Xildhibaan James Carver oo xubin ka ah Baarlamaanka Yurub, kana tirsan Xisbiga Independence Party (UKIP) ee dalka Ingiriiska, isla markaana ka mid ah mudanayaasha caanka ah eeΒ taageera qadiyadda madaxbannaanida Somaliland, fagaare kastana uga ololeeyaΒ ictiraafka Somaliland ayaaΒ ugu baaqay fadhiga mudanayaasha Baarlamaanka Yurub inay tixgeliyaan aqoonsiga caalamiga ah ee Jamhuuriaydda Somaliland mudantahay oo xilligan ay ku soo qulqulayaan qaxoontiga dalka Yemen ee soo magangelaya nabadgelyada iyo deganaanshaha ka jira dalka Somaliland.Β Xildhibaan James wuxu ku xusay suβaashiisa sida ay dawladda Somaliland u caawinayso Β qaxoontiga dalka Yemen ee ka soo degaya magaalada Berbera. Wuxu suβaashan waydiiyay Xildhibaan Charles Tannock oo isaguna ka soo jeeda Xisbiga Conservative Party (CPU).
Charles TannockΒ ayaa suβaashan kaga jawaabaya inuu kala simanyahay aragtida James in Somaliland mudantahay aqoonsi caalami ah oo ay tahay wadan xasiloon, dimuqraadi ah,Β qaanuun sharci ka jiro, isla markaana kaalin sare kaga jirta la dagaalanka budhcad badeeda iyo argagixisada, waxanu intaas ku daray in dooda kalfadhigoodu ku saabsanayd xaalada dagaalada ka oogan Yemen.