Kuala Lumpur, 09 Jan, 2012 (SLpost)- Alle ha u naxariistee Marxuum- Aadan Maxamed Mirre (Waqaf) ayaa maanta ku geeriyooday dalka Malaysia oo xaalad caafimaad loo geeyay dhawaan.
Alle ha u naxariistee marxuum- Aadan Maxamed Mirre (Waqaf) waxa uu Somaliland ka soo qabtay Wasiirul dawladaha Arrimaha Gudaha, Wasiirka Gaashaan-dhiga xukuumaddii Rayaale, waxa kale uu markii Daahir Rayaale ka qaaday xilkii Wasiirka Gaashaan-dhiga sanadkii 2007-dii uu ku biiray Xisbiga mucaaridka ah ee UCID, waxaana markiiba loo doortay Guddoomiye Ku xigeenka koowaad ee xisbigaasi.
Waxaanu xisbigan ku jiray ilaa dabayaaqadii kal hore waxaanu hoggaaminayay garabkii isbedel doonka ee ka goโay xisbiga UCID, hase yeeshee haddana waxa uu ka hadhay garabkii UCID ka goโay ku dhawaaqay urur siyaasadeedka WADANI.
Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyadda Somaliland Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa dhambaal tacsi ah u diray qoyskii, qaraabadii iyo shacbiga Somaliland oo uu ka tacsiyadeeyay geerida Marxuum- Aadan Maxamed Mirre (Waqaf), waxaanu ILAAHAY uga baryay inuu marxuumka naxariistii jano ka waraabiyo qoyskii iyo shacbiga uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo.
Sidoo kale, dhambaal tacsi ah waxa iyaguna u diray Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md, Muuse Biixi Cabdi iyo Ku simaha Guddoomiyaha xibsiga kala qeybsan ee UDUB Md. Axmed Yuusuf Yaasiin.
Dhanka kale, Gudoomiyaha urur siyaasadeedka WADANI,ย dhamaan masuuliyiinta iyo taageerayaasha ururka WADANI waxay iyagoo ka tiiraanaysan tacasi u diryaan xaasaskii, caruurtii, eheledii iyo qaraabadii uuย ย ka baxay.
Marxuum Md. Aadan Maxamed Mire Waqafย oo ku geeriyooday Xalay Dalka Malaysia
Waxaanu Eebo uga baryaynaa innu jaโnadii fardowsa ka waraabiyo dhamaanteenna samir iyo iimaan inga siyo.