Madaxweyne Siilaanyo oo soo saaray Xeer-nidaaamitha Faafinta Rasmiga ah ee Goโ€™aamada iyo xeerarka Ansaxa

0

Hargeysa, (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta digreeto madaxweyne ku ansixiyey Xeer-nidaamiyaha Faafinta Rasmiga ah ee Goโ€™aamada iyo xeerarka maamul ee dawladda.

Xeer-nidaamiyahan uu madaxweynuhu digreetada ku shaaciyay oo ka soo baxay Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Qaranka ayaa ujeeddadiisu tahay sidii loogu baahin lahaa xeerarka iyo goโ€™aamada Maamul ee dawladda ka soo baxa Xukuumadda si ay dadweynaha iyo ciddii khusay u gaadho.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Afhayeenka Madaxtooyada isla markaana lagu shaaciyey goโ€™aanka meelmarinta Madaxweynaha ee Xeerkan ayaa u dhignaa sidan:

โ€œMadaxweynaha JSL, Mudane. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Xeer Madaxweyne ku soo saaray Xeer nidaamiyaha Faafinta Rasmiga ah ee Jamhuuriyada Somaliland.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland:-

Isagaoo Tixraacaya:ย ย ย ย ย ย ย ย ย  Qodobka 90, Faqradiisa 12aadย  ee Dastuurka JSL ee tilmaamayaย  awoodaha Madaxweynaha iyo Qodobka 75aadย  ee Dastuurka, oo awood gaara u siinayaaย  Madaxweynaha in uu xeerarka dalka ku soo saaro, kuna baahiyo Faafinta Rasmiga ah;

Isagoo ogsoon:ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย  baahida xooga ah ee loo qabo in xeerarka kala duwan, digreetooyinka rasmiga ah iyo ogaysiisyada lagu baahiyo, laguna faafiyo faafinta rasmiga ah si dhamaan laamaha dawladdu iyo dadweynuhuba ugu baraarugsanadaan dhaqan galka xeerarkaas iyo qoraaladaas;

Isagoo maanka ku haya:ย ย ย ย ย  baahida loo qabo in la xaqiijiyo in dhamaan xeerarku ay si sax ah u dhaqangelayaan,ย  loona fulinayo sidii loo dejiyey;

Markuu arkay:ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย  Qodobka 48, Faqradiisa 4aad ee Xeerka Nidaamka Garsoorka (Xeer Lr. 24/2003) ee dhigaya in Garyaqaanka Guud ee Qaranka uu xilsaaran yahayย  in uu faafin rasmi ah kusoo saaro xeerarka dalka;

Waxa uu saxeexay isla markaana laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 05/01/2012 Dhaqan-gal ah Xeer nidaamiyaha faafinta rasmiga ah ee Jamhuuriayda Somalialnd Oo looga golleeyahay in sida ugu dhaqsaha badan loogu baahiyo dhamaan xeerarka iyo goโ€™aamada maamul (Administrative Acts) ee leh saamayn guud iyo ogaysiisyada dadweynaha eeย  sharcigu dhigayo in la baahiyo ama ay lagama maarmaantahay in ay si rasmi ah u gaadhaan dadweynaha.โ€

Hirgelinta xeer-nidaamiyahan ayaa kaalin muhiim ah ka qaadan doona faafinta goโ€™aamada iyo xeerarka dawladda iyada oo uu door muhiim ah ku yeelan doono xafiiska Garyaqaanka Guud ee dawladda oo ah hayโ€™adaha dalka ku cusub ee Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo soo kordhisay.

Somalilandpost.net

webmaster@somalilandpost.net