Berbera, (SLpost)- Dekedda magaalada Berbera ee Somaliland, waxa maanta ka dagay dooni ka timi dalka Yemen 210 qaxoonti Soomali ah, kuwaasoo kasoo qaxay dagaalada ka socda dalkaas.
Masโuuliyiinta dekedda Berbera ayaa qaxoontiga maanta ka dejiyay doonidii sidday, iyadoo hore xukuumadda talada haysaa ay goโaan uga soo saartay, kaasoo ahaa inaanay Somaliland ahaan aanay qaabilayn qaxoontiga ka imanaya dalka Yemen, iyagoo ku sababeeyay inay jiraan cabsi ay ka qabaan in dad argagixiso ahi ay ku soo dhuuntaan qaxoontiga oo hore qaramada midoobay uga digtay, sidoo kale waxay ku sababeeyeen inay jiraan duruufo awooddeed oo kalifaya inaanay qaabili karin dadkaas, isla markaana ay ka caawin waayeen qaabilaadii dadkaas loo fidin lahaa hayโaddihii gargaarka iyo kuwii samo-falka ee shaqada ku lahaa.
Doonidan shalay soo gaadhay magaalada Berbera oo sidday 210 qof oo Soomaali ah oo kasoo qaxay dalka Yemen ayay masuuliyiinta dekeda Berbera hakiyeen inay dadka ay siddaa kasoo degaan, laakiin maanta ayaa la ogolaaday in dadkaas laga dejiyo doonta, isla markaana la geeyo goobihii hore ee qaxoontiga hore la geeyay.
Somalilandpost.net