Hargeysa, (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud βSiilaanyoβ ayaa manta qasriga madaxtooyada ku qaabilay orod yahanka caanka ah JaamacΒ Maxamud Aadan βJaamcac Karaaciinβ oo kadib markii uu booqasho ku yimid Somaliland .
Ciyaartoyga ayaa ka hor inta aanu Madaxweynu qaabilin waxaa maanta si diirran loogu soo dhaweeyay caasimada dalka ee Hargaysa waxaana kaga hortagay deegaanka Haleeya oo dhinaca Koonfur-Bari ka xiga caasimada Wasiirka Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Mudane Cabdi Siciid Faahiye,Masβuuliyiinta xidhiidhada ciyaaraha iyo dadweyne kale .
Β Wasiirka Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Mudane Cabdi Siciid Faahiye oo hadal kooban oo soo dhawayn ah halkaasi ka jeediyay ayaa sheegay in orod yahanka caanka ah JaamacΒ Maxamud Aadan βJaamcac Karaaciinβ uu baal dahab ah kaga jiro taariikhda orodada Somaliland isla markaana uu yahay hormoodkii u horeeyay ee dhidibada u taagay sidii ciyaaruhu u noqon lahaayeen kuwo soo jiita bulshada waxa uu wasiirku xusay in orod yahankani uu mashaariic kala duwan oo dhinaca Sportiga ah dalka u wado, isagoo intaas ku daray in dhamaan guulihii dhaxal galka ahaa ee uu gaadhay Orod yahan Jaamac Karaaciin ay ku suntan yihiin bahβda ciyaaraha ee Somaliland .
Markaas kadib Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud βSiilaanyoβ ayaa ku qaabilay Qasriga Madaxtooyada Orodyahanka Caanka ah ee Β JaamacΒ Maxamud Aadan βJaamcac Karaaciinβ waxa uu madaxweynuhu sheegay inuu orod yahanka ku soo dhawaynayo dalkiisii hooyo,isagoo intaas ku daray in xukuumada uu hogaaminteeda hayaa ay dhiirigelinayso Ciyaaraha waxaanu Madaxweynuhu tusaale u soo qaadatay Tartankii Ciyaaraha Gobolada Somaliland ee dabayaaqadii bishii December lagu soo gabo gabeeyay Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer .
Mudane Axmed Maxamed Maxamud βSiilaanyoβ waxa uu cadeeyay inay kordhin doonaan taageeida Dhalinyarada iyo Β Ciyaaraha Β si ay u noqdaan kuwo mustaqbalka sumcad u soo hooya Somaliland .
Dhinaca kale Orodyahanka Caanka ah ee Β JaamacΒ Maxamud Aadan βJaamcac Karaaciinβ ayaa uga mahad naqay Madaxweynaha J.S.L ,Wasiirka Wasaarada Ciyaaraha iyo bahβda uu ku abtirsado ee Sportigu sida ay ugu soo dhaweeyeen dalkiisa hooyo taas oo I galisay ayuu yidhi Xamaasad iyo Shucuur Wadaniyadeed .
Β Somalilandpost.net
webmaster@somalilandpost.net