“Wasiirka arrimaha gudaha ย Congo-Brazzaville Raymond Zephirin Mboulou ayaa nagu wargeliyay goโaanka lagu mamnuucay inay dumarku ku xidhaan indho-shareer”
Brazzaville, (SLpost)- Dawladda Congo-Brazzaville ayaa dumarka
muslimka ah ka mamnuucday ย inay meelaha dadku isugu yimaadaan ku xidhaan niqaamka indhaha ama indho-shareerka, iyagoo ku sababeeyay arrimo ammaan.
“Wasiirka arrimaha gudaha ย Congo-Brazzaville Raymond Zephirin Mboulou ayaa nagu wargeliyay goโaanka lagu mamnuucay inay dumarku ku xidhaan indho-shareer meelaha dadku isugu yimaadaan. Waxa kale oo oo uu noo sheega wasiirku in goโaankani yahay mid lagaga hortagayo falalka argagixisada iyo ammaan-darro,” sidaa waxa yidhi El Hadj Abdoulaye Djibril Bopaka, ย oo madax u ah golaha Islaamka ee dalka Congo-Brazzaville, isagoo la hadlay wakaallada wararka ee ย AFP.
“Haweenka muslimka ahi hadda wixii ka dambeeya waxay ku xidhan karaan oo keliya indho-shareerka guryaha iyo goobaha cibaadada.โ Ayuu hadalkiisa sii raaciyay madaxa golaha islaamka ee Congo-Brazzaville.
Somalilandpost.net