Laascaanood, (SLpost)- Xarunta gobolka Sool ee Laascaanood ayaa maanta Jimce ah waxa diinta islaamka soo galay nin hore u ahaa kiristaan, isla markaana u dhashay dalka Kenya, kaasoo masjid jaamaca magaaladaas Ashahaadada loogu laqimay.
Ninkan oo ahaa macalin wax ka dhiga jaamacada Nugaal, isla markaana muddo ku noolaa magaalada Laascaanood ayay culimadu ashahaadada ugu laqimeen masaajidka weyn ee magaaladaas.
Ninkan soo islaamay oo intiiย uuย kiristaanka ahaa magaciisa la odhan jiray CHARLES ayaa hadda loo bixiyay CABDIRAXMAAN.
Arrintan ayaa waxa aad ugu farxay bulshada magaalada Laascaanood, isla markaana soo dhaweeyay, una hambalyey walaalkooda cusub ee kusoo biiray diinta nasteexa ee islaamka.
Somalilandpost.net