St Paul, (SLpost)- Gabadhii ugu horeysay ee Soomaaliyad ayaa boolis ka noqotay magaalada St Paul ee gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka, waxaanay ka mid noqonaysaa 7 qof oo Soomaali ah oo gobolkaas ka hawl-gala.
Khadra Maxamed oo 22 sanno jir ah ayay bishii march ee sannadkan shaqaalaysiiyeen hawl-wadeennada booliska ee magaalada St Paul.
Waxaanay arrintan ay ku soo beegmeysaa,ย iyadoo dhawaan ย Ismahaan Ciise, oo ah gabadh Soomaaliyeed oo 29 sanno jir ah oo ka soo baxday akademiyada booliskaย magaalada Colombus ee gobolka Ohio ay iskaga hadhay, damaceedii ahaa inay boolis noqoto, iyadoo ku sababeysay in siyaasaddaha booliska gobolku aanay ogoleyn in xijaab ay ku shaqeyso.
Somalilandpost.net