βKeliya waxaanu xidhnay dukaamadoodii, markii ay u hogaansami waayeen, maalinta loogu magic-daray, jimcaha madaw ee AfrikaβM.AA
Lilongwe, (SLP)- Kooxaha u dhaqdhaqaaqa xuquuqda baniβaadamka ayaa sheegay in xoog albaabada loogu laabay dukaamadii ay Koonfur Afrikaanku ku lahaayeen dalka Malawi, ka dib mudaharaadyo lagaga soo horjeedo kacdoonka isir-nacaybka ee ka socda Koonfurka Afrika.
Dadka reer Malawi ayaa sameeyay isu-soo baxyo si nabad ah u dhacay maanta oo Jimce ah, waxaanay si xoog ah u albaabada ugu laabeen dukaamada ay dadka reer Koonfur Afrika ku leeyihiin Malawi.
βKeliya waxaanu xidhnay, ka dib markii ay u hogaansami waayeen, maalinta loogu magic-daray, jimcaha madaw ee Afrika.β sidaa waxa warbaahinta u sheegay Billy Mayaya oo ka mid ahaa abaabuleyaasha isu soo baxaas.
Sidoo kale mid ka mid ah u dhaqdhaaqayaasha xuquuqda aadamaha ee dalka Malawi oo lagu magacaabo John Kapito in mudaharaadka Jimcaha madaw ujeedadiisu tahay in Koonfur Afrikaanka daadinaya dhiiga ajaanibka la nool lagu tuso in dalalku ay isku tiirsan yihiin oo aan la kala maarmayn.
βWaxaanu ku amarnay Koonfur Afrikaanka inay xidhaan dukaamadooda si aanay waxyeelo uga soo gaadhin dadka mudaharaaddaya ee dareenkoodu kacsan yahay.β John Kapito
Kumanaan u dhashay dalka Malawi oo ku nool Koonfur Afrika ayaa ku karantiimaysa kaam, si ay uga badbaadaan weerarada Koonfur Afrikaanka.
Somalilandpost.net